Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Wasiirka Fiqi oo ku dhawaaqay hindise lagu casriyaynayo howlaha Wasaaradda

Talaado-23-April-2024 {HMC}  Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta oo Talaado ah shir-guddoomiyay kulan ay iskugu yimaadaan Xoghayaha Joogtada iyo Agaasimayaasha waaxyaha Wasaaradda oo diiradda lagu saaray isbedello istiraatiijiyadeed oo ujeedkeedu yahay hagaajinta iyo dardargelinta shaqada.

Intii lagu guda-jiray kulanka, Waxa uu Wasiir Fiqi faray fulinta qorsheyaal hiigsi leh oo dib loogu habeynayo arkiifiyada iyo adeegyada qunsuliyadeed, iyadoo ujeeddadu tahay casriyaynta iyo ka dhigidda “degital” nambar iyo tixraac leh.

Waxa uu caddeeyay muhiimadda ay leedahay xiriirka labo geesoodka iyo midka dhinacyada badan, isaga oo qeexay istiraatiiyado lagu xoojinayo xiriirada siyaasadeed, amni, dhaqaale iyo bulsho, iyadoo la unkayo feelal dhammaystiran oo u samaysan hab juquraafi ah.

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa ku nuux-nuuxsaday muhiimadda ay leedahay in si la hubo loo keydiyo dukumintiyada iyo natiijooyinka ka soo baxa shirarka iyo wadahadallada dibadda si loo raad-raaco, loona fuliyo.

Waxa uu dhiirrigeliyay hal-abuurka iyo wax-soo-saarka oo uu sheegay inay yihiin tiirar lama-huraan ah oo lagu gaaro guulo diblamaasiyadeed, ayna xoojiyanayaan sumcadda Soomaaliya ee caalamka.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA