Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

AS oo Duqeymo loogu bur buriyay garaash aay ku diyaarinayeen qaraxyo

Arbaco-24-Apr-2024 {HMC} Diyaaradaha dagaalka ee caawiya ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa xalay fuliyay duqeymo culus oo lagu bartilmaameedsaday baabuur Al Shabaab lahaayeen iyo goobo kale ayaa ka dhacay deegaanno katirsan Hirshabelle iyo Galmudug.

Duqeyn culus ayaa lagu garaacay koontarool Al Shabaab ku baaraan gaadiidka iyo dadka, kaa oo u yaallay duleedka degmada Ruunirgood ee gobolka Shabeelaha Dhaxe, waxaana duqeyntaasi la sheegay in lagu dilay toban xubnood oo katirsanaa Al Shabaab.

Saraakiisha ciidanka dowladda ayaa sidoo kale sheegay in duqeyntaasi lagu bur buriyay gaadiid ay lahaayeen kooxda Al Shabaab , sidoo kale ka firxadeen goobtii ay shacabka ku dhibaateenayeen ee la duqeeyay.

Duqeyn kale oo diyaaradeed ayaa ka dhacday deegaanka Carfuudo oo hoostaga tuulada Wadaariq ee gobolka Mudug, waxaana halkaasi lagu beegsaday xubno katirsan jabhadaha Al Shabaab , waxaana lagu bur buriyay afar goob ay ku sugnaayeen jabhadaha Al Shabaab

Waxaa sidoo kale duqeynta ka dhacday gobolka Mudug lagu bur buriyay garaash Al Shabaab lahaayeen oo ay ku jireen gaadiid dagaal iyo sidoo kale gaadiid kale oo la sheegay in qaraxyo lagu diyaarinayay.

Taliska ciidanka xoogga ayaana sheegay in Al Shabaab khasaarooyin lagu gaarsiiyay duqeymihii ugu dambeeyay ee lala beegsaday, waxa ayna xuseen in gaadiid dagaal iyo kuwa kale oo qaraxyo waday dhulka lala simay, ayna sii socon doonaan duqeymaha.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA