Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

ciidanka Dowlada oo Guula Ka Sheegatay Dagaal AS Kusoo Qaadeen deegaanka Xawaadley

Arbaco-24-Apr-2024 {HMC} Dagaalamayaal katirsan kooxda Al Shabaab ayaa xalay weerar culus ku qaaday deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeelaha Dhaxe, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo khasaaro badan dhaliyay.

Sida aan wararka ku helnay Al Shabaab ayaa weerarka ay qaadeen u adeegsaday qaraxyo iyo weerar toos ah, waxa ayna beegsadeen saldhigyo la sheegay in ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ku leeyihiin deegaankaasi.

Saraakiil katirsan ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in weerarka Al Shabaab ku qaadeen deegaanka Xawaadley la fashiliyay, waxa ayna xuseen in hayeen xogta weerarka ayna uga hortageen goobo ka baxsan saldhigyadii ay qorsheeyeen in ay weeraraan.

Waxa ay sheegeen saraakiisha ciidanka in Al Shabaab weerarka kaga dileen xubno badan kuwa kalana kaga dhaawaceen, waxa ay sidoo kale xuseen in ay jiraan xubno dagaalka looga qabtay Al Shabaab iyo hub badan oo laga furtay.

Dadka deegaanka ayaa ku waramaya in meydadka xubno katirsan Al Shabaab lagu arkayo goobihii lagu dagaallamay, waxaa sidoo kale la sheegay in Al Shababa horey usii qaateen askar dhaawac ah iyo kuwa laga dilay meydadkooda.

Al Shabaab ayaa sidoo kale la sheegay in laga fashiliyay qorshe ay doonayeen in ay ku qarxiyaan buundada deegaanka Xawaadley marta, waxaana dagaal muddo kooban socday kaddib Al Shabaab u firxadeen halkii ay ka yimaadeen.

Ciidanka xoogga dalka oyo kuwa dadka deegaanka ayaa saakay wada howlgalo ay ku baadigoobayaan kooxdii weerarka soo qaaday, waxa ay sidoo kale ciidanka raadinayaan xubno ay ka carareen Al Shabaab iyo hub.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA