Monday, May 6, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Wasiirka Amniga oo Shir Gudoomiyay Shirka Hormarinta Mashruca Boliiska

Arbaco-24-Apr-2024 {HMC} Waiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee JFS S/Guuto C/laahi Sheikh ismaaciil {Fartaag} ayaa Gudoomiyey shirka wajiga Labaad ee mashruuca JPP ee Horumarinta Boliiska Soomaaliyeed, kaasi oo looga arrinsanayo sidii loo Horumarin lahaa Boliiska,
Shirkan waxaa Goobjog ahaa Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto. Sulub Axmed Firin, Wasiirada Amniga Dowlada Goboleedyada Xubinta ka ah Dowlada FDS iyo deeqbixiyaasha.

Ujeedka Shirkan ayaa ahaa sidii sare loogu qaadi lahaa tayada iyo aqoonta Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, si ay ula falgalaan Bulshada Soomaaliyeed.
Wasiir Fartaag oo shirka hadal ka jeediyey ayaa uga mahadceliyaya saaxiibada Caalamka ee Marwalba garab istaaga Boliiska Soomaaliya.

Dhanka kale Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliya S/Guuto Sulub axmed Firin ayaa ka hadlay habka loo marayo mashruuca Hormarinta Boliiska Soomaaliya, kana mahaceliyay shqeynta wanaagsan ee saaxiibada caalanka ee garab istaagay Boliiska Soomaaliya.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {05-05-2024}

Axad 5 April, 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ;Abdiqani Osoble Farsamadii...

{DAAWO MUQAALKA} Waa tuma gabadha Muslimadda ah ee noqotay taliyaha ciidank cirka Dalka Kenya?

Axad 5, May 2024 {HMC} Maj Gen Fatuma Gaiti Ahmed ayaa noqotay haweenaydii ugu horreysay ee taariikhda dalka Kenya loo magacaabo Taliyaha Ciidamada Cirka...

WARARKA