Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Iran oo dhinaca Internerka ah ku qaaday Dowladda Maraykanka

Arbaco 23 Apr 2024 {HMC} Dowladda Maraykanka ayaa cunaqabatayno cusub ku soo rogay dalka Iran Salaasadii, iyaga oo bartilmaameedsaday afar qof iyo laba shirkadood oo ay ku eedeeyeen inay ku lug leeyihiin hawlo la xidhiidha xatooyo dhinaca internetka ah, iyaga oo u adeegaya ciidamada dalkaas.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda maaliyadda ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in xubnahani ay batlimaameesadeen tobanaan ka mida shirkadaha Maraykanka iyo hay’ado xukuumi ah, iyaga oo adeegsanaya virus-yo kala duwan.

Wasaaradda maaliyadda ee Maraykanka ayaa sheegtay in xubnahan iyo shirkadahani ay u shaqaynayeen ciidamada ilaalada kacaanka ee Iiraan.

Kaaliyaha xoghayaha maaliyadda u qaabilsan arrimaha la dagaalanka argagixisada iyo lacagaha khaldan, Brian Nelson ayaa sheegay in Iran ay sii waddo, inay weeraro ku qaado shirkadaha Maraykanka iyo hay’adaha dawladda, taas oo ay uga danleeyihiin inay khalkhaliyaan kaabayaasha isla markaana ay dhaawac soo gaadhsiiyaan muwaadiniinta Maraykanka.

Cunaqabataynada Salaasadii ayaa ah tallaabadii ugu dambaysay ee ka dhan ah Iran ee ay qaadaan Maraykanka iyo saaxiibadiis.

Toddobaadkii horena, Maraykanka iyo Britian ayaa cunaqabatayno ku soo rogay, nidaamka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iran, ka dib weerarkii ay ku qaaday Israa’iil.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA