Monday, May 6, 2024
spot_imgspot_img

KENYA iyo Soomaaliya oo kala saxiixday heshiis ganacsi oo muhiim ah.

Arbaco-24-Apr-2024 {HMC}-Xoghayaha beeraha iyo xanaanada xoolaha ee Kenya Mithika Linturi ayaa ku dhawaaqay in Kenya ay heshiis dhoofinta qaadka ah la galeyso Soomaaliya 8da bisha soo socota ee Maajo, si loo xaqiijiyo faa’iido dhaqaale, loona abuuro hanaan sharci oo ganacsiga qaadku ku shaqeeyo.

Mr Linturi wuxuu hoosta ka xariiqay in qaadku uu laf-dhabar u yahay dhaqaalaha degmada Meru, kaasoo waxtar u leh nolosha dad badan oo degmadaas ku nool.

Xoghayaha wuxuu u ballan qaaday dad uu la hadlayey in xukuumaddiisa ay diyaar u tahay in ay ilaaliso danahooda.

Sannadihii u dambeeyey waxaa ganacsiga qaadka ee Soomaaliya iyo Kenya u dhaxeeya hareeyey khilaaf soo noqnoqonayey, horena uma aysan jirin heshiisyo qaadka la xiriira oo ay labada dhinac wada galeen.

Muddo ku dhawaad laba todobaad laga joogo ayaa dib waxaa u billowday qaadkii tegi jiray Muqdisho, ka dib markii muddo hakad ku jiray.

Cabdiwaaxid Barre Macallin oo ka mid ah dadka ka shaqaysta qaadka ee ka soo qaada Beeralayda ilaa ay u dhoofiyaan Soomaaliya ayaa sheegay in ay khaati ka joogaan wax uu isagu ugu yeeray “magafayaasha qaadka” oo lacago dheeraad ah ka qaada ganacsatada qaadka u dhoofiya Soomaaliya.

“Waa arrin dhib ku ah dadka nolol maalmeedkooda, beeralayda ilaa kuwa ku xiran ee wax ka hela, lacagta maaha mid ah canshuurta oo Kenya u dhacda, iyo mid Soomaaliya u dhacda laakiin waxay u dhacdaa kudlad isku xiran oo ku sii xiriirsan dad awood leh,” ayuu yiri Barre.

Dowladda Soomaaliya ayaa qaadka Miiroowga ee Muqdisho tagaya sida maalin laha ah ku canshuurta lix dollar kiiladiiba.

Kenya waxay muddo raadinaysay suuq ay isku hallayn karto oo ay u dhoofiso qaadkeeda. Soomaaliya dhowr goor oo hore ayuu ganacsiga qaadku hakad galay sababo qaarkood siyaasado markaas taagnaa salka ku hayey, halka suuqii kale ee loo dhoofin jiray qaadka Kenya oo ah dalka Ingiriiska isna gabi ahaanba laga mamnuucay bishii Juun 2014. Soomaaliya weli kama aysan hadlin heshiiskaas.

{DAAWO MUQAALKA} Somaliland oo war ka soo saartay imaanshaha ciidanka Turkiga ee xeebaheeda

Isniin 6, May 2024 {HMC}  Somaliland oo war ka soo saartay imaanshaha ciidanka Turkiga ee xeebaheeda HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/KUNAfRVFTAE

{DAAWO MUQAALKA} Amaro Cusub oo la dul dhigay Shacabka ku nool Degmada Berdaale

Isniin 6, May 2024 {HMC} Amaro Cusub oo la dul dhigay Shacabka ku nool Degmada Berdaale HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/o3AXNztMMtg

WARARKA