Monday, May 13, 2024
spot_imgspot_img

Haweeneey Barta TikTok caan ka ah oo lagu dhaawacay Dalka Ciraaq.

Axad-28-April-2024 {HMC} Xiddigta barta TikTok ee dalka Ciraaq Ghufran Sawadi oo loo yaqaanay Umm Fahad ayaa lagu toogtay bannaanka gurigeeda oo ku yaalla magaalada Baqdaad habeenimadii Jimcaha, sida ay ilo ka tirsan booliiska sheegeen.

Dilka ayaa ka dhacay deegaanka Zayouna ee bariga magaalada Baqdaad, waxaana duubtay kaamiradda CCTV. Muqaalka ayaa muujinaya nin hubeysan oo mooto watay oo tooganaya Sawadi.

Sawadi waxay caan ka ahayd TikTok, halkaas oo ay soo gelin jirtay muuqaallo iyada oo sameynaysa qoob-ka-cayaar iyadoo xiran dhar aan ku habboon dhaqanka Islaamka, sida ay sheegeen garsoorka Ciraaq oo u arkayeen kuwo aan anshax ahayn.

Sawadi ayaa sanadkii hore lagu xukumay lix bilood oo xabsi ah “dembiyada soo saarista muuqaalo dhowr ah oo aad loo cambaareeyay, islamarkaana lagu tilmaamay kuwa fasaad ah.

Noor Alsaffar, 23 jir TikToker ahayd oo boqolaal kun oo taageerayaal ah haysatay, ayaa la toogtay Sebtembar 2023. Tara Fares, oo ahayd 22 jir model ah, saameynna ku lahayd Social Media, ayaa waxaa toogtay rag hubaysan sanadkii 2018-kii.

Ciraaq ayaa ka dhacay tiro dilal ah oo loogu yeero “dil sharafeed, iyada oo 22 jir YouTuber ahayd Tiba al-Cali uu aabaheed ceejiyay bishii January ee la soo dhaafay.

{DAAWO MUUQAALKA} Somaliland oo sheegtay in ay si dhakhso ah ugu duulayso Laascaanood

Isniin-13-May-2024 {HMC} Somaliland oo sheegtay in ay si dhakhso ah ugu duulayso Laascaanood HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/evUidHVjVy8

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxdii iyo shacabkii ka qeeyb galay Caana-shubka Ugaaska ayaa u Hambalyey Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan

Isniin-13-May-2024 {HMC}  Madaxdii iyo shacabkii ka qeeyb galay Caana-shubka Ugaaska ayaa u Hambalyey Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/Pamm0_QBeKw

WARARKA