Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Israel oo markale duqeyn xoogan ka geysatay marinka Gaza.

isniin-29-April-2024 {HMC} Saraakiisha caafimaadka ayaa Isniinta maanta ah sheegay in ugu yaraan 13 Falastiiniyiin ah lagu dilay weerar cirka ah oo ay ciidamada Israil ku bartilmaameedsadeen saddex guri oo ku yaalla degmada Rafax ee Marinka Gaza.

Weerar kale oo ka dhacay dhanka waqooyi ee Marinka Gaza ayay ilaha caafimaadku sheegeen in dhowr qof lagu dilay kuwo kalana lagu dhaawacay, kaddib marki ay madaafiicda Israil ku dhaceen laba guri oo ay dad rayid ah daganaayeen.

Weeraradan cirka ah ee ay ciidanka Israil u geysteen magaalada ay isugu tageen qaxootiga iyo barakacayaasha Falastiiniyiinta Gaza ee Rafax ayaa yimid, saacado yar ka hor inta aysan Qahira gaarin qaar ka mid ah madaxda ururka Xamaas.

Saraakiisha Dowladda Masar ayaa Axaddii shalay aheyd sheegay in Isniinta maanta ah ay hogaamiyaasha Xamas imaa doonaan Qahira, si halkaasi looga sii amba qaado wadahadallo rajo laga qabo in uu ka dhasho heshiis xabad joojin ah oo dhexmara Israil iyo Xamas.

Wada-hadallada ayaa waxaa dhex-dhexaadinaya Qatar, Masar iyo Mareykanka.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA