Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Madaale oo kulan deg deg ah iskugu yeeray saraakiisha amniga iyo qorshe wayn oo socda.

isniin-29-April-2024 {HMC} Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa guddoomiyay kulan amni oo xasaasi ah.

Kulankaan oo looga hadlaayay dar-dargelinta amniga caasimadda Muqdisho ayaa waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh).

Kulanka ayaa waxaa warbixin looga dhageystay Taliyeyaasha Qeybta Guud ee Booliska iyo Nabadsugida Gobolka Banaadir iyo Saraakiisha Ciidanka Police Millitari.

Taliyeyaasha ayaa masuuliyiinta maamulka la wadaagay warbixinta xaalada guud ee amniga caasimadda, oo bilihii dambe laga dareemayay xasilooni amni, inkasta oo mararka qaar ay kooxda arbushaad ka sameyso.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kula dar-daarmay saraakiisha laamaha amniga in xooga la saaro dar-dargelinta amniga caasimadda.

Sidoo kale waxa uu ku booriyay saraakiisha amniga ee kulankaan qeybta ka ahaa in laga hortago fal kasta oo wax u dhimi kara amniga ay ku naaloonayaan shacabka gobolka Banaadir.

Dhawaan ayey aheyd markii ay dowladda sheegtay inuu bilaabanayo isla xisaabtanka amniga caasimadda, si kor loogu qaado xasiloonida amni ee ay bilihii dambe haysteen reer Muqdisho, si dhameystirana meesha looga saaro falalka amni darro ee kooxda AS.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA