Wednesday, May 15, 2024
spot_imgspot_img

UK oo maanta bilaabeysa tarxiilka Muhaajiriinta sharci-darrada ku soo galay dalka Britain.

isniin-29-April-2024 {HMC} Muhaajiriinta sharci-darrada ku soo galay dalka Britain ayaa la filayaa in la soo qabqabto muddo toddobaadyo, iyadoo loo diyaar garoobayo Duullimaadyadiii u horeeyey Muhaajiriinta la dejinayo dalka Rwanda.

Wargeyska The Guardian ayaa qoray in maanta oo Isniin ah la bilaabi doono hawlgalka dadka Muhaajiriinta sharci-darrada loogu gudbin lahaa Xarumaha dadka lagu hayo.

Xafiiska Arrimaha Gudaha ee dalka UK ayaa sheegay in la galayo Wejigii u dambeeyey ee hawlgalkaasi.

Qareen Aamer Anwar oo ka tirsan Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Fadhigeeda Dhexe yahay Glasgow (The Glasgow-based human rights) ayaa sheegay in lagu wargeliyey in maanta oo isniin ah la bilaabayo hawlgalka qabqabashada Muhaajiriinta loo tarxiili doono dalka Rwanda.

Qareen Aamer Anwar waxa uu xusay inuu rajaynayo in maalmaha soo socda la arko Kacdoon dhabaha Kenmure Street ee guud ahaan dalka UK.

Dibadbaxyadda Waddooyinka ee looga soo horjeedo raafka Muhaajiriinta sharci-darrada ayaa waxay magaalladda Glasgow ka dhaceen sanadkii 2021-kii, iyadoo xilligaasi ay Boqolaal qof jidka ka xireen Gaadiidka Waaxda Socdaalka, si looga hortago in khasab lagu kaxeeyo Magangelyo-doonayaasha.

Ra’isul-wasaaraha dalka Britain, Rishi sunak waxa uu sheegay in Duullimaadka u horeeya ee dadka Muhaajiriinta sharci-darrada ee loo tarxiilayo dalka Rwanda la bilaabi doono muddo 10 ilaa 12 Isbuuc.

Docda kale, bilowgii Toddobaadkan, Ku-Xigeenka RW Ireland, Micheál Martin ayaa sheegay inay kordheen tirada dadka ka imaanayo Northern Ireland, iyadoo dadkaasi aad uga cabsi qabaan haddii ay sii joogaan UK in laga yaabo in loo sii tarxiilo dalka Rwanda.

RW dalka UK, Rishi Sunak ayaa habeen hore Wareysi Khaas ah siiyey Barnaamijka Sunday Morning eevTelefishinka Sky News waxa uu sheegay inuu diirada saarayo UK iyo sugida Ammaanka Xuduudaha.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {14-05-2024}

Talaado-14-May-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdiqani Osoble Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud HOOS...

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka

  Talaado-14-May-2024 {HMC} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanwetn 05/14/2024 HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA