Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Wasiirka gaashaandhigga oo ka jawaabay eedeyn iyo hadal-heyn ka dhalatay muuqaal ku faafay baraha bulshada.

isniin-29-April-2024 {HMC} Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ka jawaabay eedeyn iyo hadal-heyn ka dhalatay muuqaal uu ka duubay askar tababar loogu diray dalka Turkiga, wasiirka ayaa muuqaalkaas ku baahiyey bartiisa TikTok.

Muuqaalkaas waxaa laga dhex arkay askarta oo wadata baco loo maleynayey inay dharkooda ku wataan, waxaana ka dhalatay hadal-heyn culus iyo caro dadweyne, maadaama ciidanka ay ku habooneed in dharkooda ay ku qaataan boorsooyin.

Wasiirka Gaashaandhigga oo wareysi siiyey warbaahinta ayaa ka jawaabay eedeynta dadweynaha, wuxuu sheegay in ciidanka uu muuqaalka ka duubay ee diyaaradda sii raacaayey ay bacaha ku wateen raashin bisil oo loogu talo galay inay diyaaradda ku dhex cunaan.

Ciidankaas oo ka tirsan Gorgor, waxay tababar dhowr bilood ah ku qaateen saldhigga TurkSom ee Muqdisho, waxayna safar u ahaayeen saldhigga labaad ee tababarrada ciidamada Gorgor ee magaalada Sparta dalka Turkiga.

Wasiir Jaamac oo ay ka muuqatay inuu ka careysnaa falcelintii dadweynaha ka weeraray bartiisa TikTok ayaa su’aashaaa uga jawaabay si caro leh, wuxuuna sheegay in ciidanku aysan marna raaxo ku jirin, mar xalad kastana aysan wax dhib ah laheyn in muuqaal looga duubo.

Sidoo kale Wasiirka Gaashaandhigga ayaa dadka isticmaala baraha bulshada ka dalbaday inay joojiyaan sumcad xumeynta ciidanka, wuxuu ku dheeraaday sharaxaada sida askariga Soomaaliyeed ee naftiisa soo huray.

“War adigoo raadinaya in lagu daawado miyaad wax ka sheegeysaa qof ay suurtagal tahay in daqiiqado kadib uu dhinto, ka daaya ciidanka wararka sumac dilka ah ee aad ka faafisaan, uma qalmaan waxay noo soo hureen naftooda,” ayuu yiri wasiir Jaamac.

Wasiirka ayaa wareysigaan uu bixiyey uga hadlay arrimo badan oo xasaasi ah, kuwaas oo khuseeya dagaalka kooxda AS, dhismaha ciidanka iyo xatooyo lagu sameeyey raashinka ciidanka Danab.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA