Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Xasan sheikh oo shirar xasaasi ah ugu qayb galaya magaalada Nairobi.

isniin-29-April-2024 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh, ayaa gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya si uu uga qayb-galo Shirka IDA21 ee Madaxweynayaasha Afrika iyo Bangiga Aduunka oo la qaban doono 29-ka Abriil, 2024.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah (IDA) ee hoostagta Bangiga Adduunka, ayaa diiradda saari doona horumarinta iyo maalgashiga qaaradda Afrika sidii loo xoojin lahaa iyada oo loo marayo mashaariic horumarineed oo waaweyn.

Madaxweye Xasan Sheekh ayaa Inta uu ku sugan yahay Nairobi, wuxuu kulamo gaar ah la yeelan doonaa madaxda Afrika iyo mas’uuliyiinta ka socda Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah, si loo dardar-geliyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo hay’adaha maaliyadeed ee caalamiga ah.

Safarka Madaxweynaha ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya laga cafiyay dayntii muddada dheer lagu lahaa, taasoo fursad u siinaysa dalka inuu soo jiito maalgashiyo caalami ah iyo mashaariic horumarineed.

Dhinaca kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo gaba-gabeeyay booqashadii rasmiga ahayd ee uu ku joogay dalka Tansaniya, isagoo soo booqday Jasiirrada Sinsibaar oo ka mid ah deegaannada xiriirka taariikhiga ah uu kala dhexeeyo dadka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Madaxweynaha dowlada Sinsibaar Mudane Hussein Mwinyi ayaa uga tacsiyeeyay geerida Aabahii Madaxweynihii hore dalka Tasaaniya Ali Hassan Mwinyi.

Waxaa sidoo kale kulanka looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin taariikhda iyo xiriirka ka dhexeeya dadka Soomaaliyeed iyo qoomiyadaha ku dhaqan Sinsibaar, iyo iskaashiga arrimaha dalxiiska oo Jasiirrada Sinsibaar ku tilmaamantahay.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA