Thursday, May 16, 2024
spot_imgspot_img

Xubin katirsan guddiga arrimaha dibadda ee Sanate-ka Maraykanka oo so Jeediyay in lala macaamilo Soomaaliland

Isniin 29, April  2024 {HMC}  Senator Jim Risch, oo ah xubin sare oo ka tirsan Guddiga Xidhiidhka arrimaha Dibadda ee Senate-ka Mareykanka, ayaa ku booriyay maamulka madaxweyne Biden inay la macaamilaan Somaliland.

Jim Risch, wuxuu sheegay in siyaasadda Soomaaliya oo keliya aysan ka tarjumayn xaqiiqada.

“Waxaan ku booriyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka inay la shaqeyso Somaliland oo aysan iska indha tirin horumarka dimoqraadiyadeed,” ayuu yiri Senator Risch isagoo intaas ku daray in asxaabtiisa Mareykanka ay ammaanayaan horumarka doorashada Somaliland.

Hadalkiisa ayaa kusoo beegmay ka dib markii Midowga Yurub, Denmark, Germany, Norway, Sweden, iyo Uk ay soo dhoweeyeen ku dhawaaqista rasmiga ee waqtiga Doorashooyinka Somaliland.

Senator Jim Risch, waxa uu sheegay in loo baahan yahay in caalamku uu la shaqeeyo Komishanka Doorashooyinka Somailand iyo dhammaan daneeyayaasha doorashada si ay u taageeraan sidii loo gaarsiin lahaa doorashooyin xor iyo xalaal ah oo loo dhan yahay.

Maraykanka ayaa u aqoonsan Somaliland inay qeyb ka tahay Soomaaliya, inkastoo Somaliland uu kala shaqeeyo arrimaha siyaasadda sida dimuqraadiyaynta iyo horumarinta dhaqaalaha.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {16-05-2024}

Khamiis-16-May-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdiqani Osoble Farsamadii ::Abdirahman Macalin Muse HOOS...

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 16/5/2024

Khamiis-16-May-2024 {HMC} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 16/5/2024 HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/E45ZjX7VNoA

WARARKA