Friday, May 17, 2024
spot_imgspot_img

Ciidamada deegaanka oo Gacanta ku dhigay madaxii sirdoonka Kooxda AS

Talaado-30-April -2024 {HMC}  Ciidamada deegaanka ee koonfurta gobolka Mudug ayaa maanta gacanta ku dhigay nin la sheegay inuu ahaa madaxii sirdoonka Al shabaab, kaas oo lagu magacaabo Farxaan Shalaange, ninkaan ayaa sheegay in uu sahan u ahaa Al shabaab waxaana lagu qabtay duleedka deegaanka Bacaadweyne.

 

Ciidamada fuliyey howlgalka lagu qabtay ninkaan waxaa hoggaaminayey sarkaal lagu magacaabo Gurey Nuur oo ah taliyaha ciidanka Macawiisleyda ah ee ka howlgala aagga deegaanka Bacaadweyne, dadka deegaanka ayaa ciidanka ku garab siiyey soo qabashada ninkaan oo ku howlanaa uruurinta xogta ciidanka ka howlgala deegaanadaas.

{DAAWO MUUQAALKA} Meydka Wiil dhalinyara oo laga soo saaray tog ku yaalla Duleedka Magaalada Hargeysa.

Jimco-17-May-2024 {HMC}  Meydka Wiil dhalinyara oo laga soo saaray tog ku yaalla Duleedka Magaalada Hargeysa. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/bFp9EuExd9s

{DAAWO MUUQAALKA} Awooda biyaha ee soo gaaray Deegaanka hilikiliyo ma dhamo wax laga qaxo”Cabdulahi Salaad”

Jimco-17-May-2024 {HMC} Awooda biyaha ee soo gaaray Deegaanka hilikiliyo ma dhamo wax laga qaxo''Cabdulahi Salaad'' HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/-DTDiBzwIBk

WARARKA