Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

DENI oo kulan qarsoodi ah Garowe kula qaatay saraakiil ka tirsan sirdoonka Itoobiya.

Talaado-30-April -2024 {HMC} Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay kulan qarsoodi ah madaxtooyada kula qaatay saraakiil ka tirsan sirdoonka Itoobiya oo shalay galab soo gaaray Garowe, sida ay sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay.

Saraakiishan, oo la dajiyay Hotel caan ah oo ku yaalla Garowe, ayaa kulan dheer oo saacado badan ah la qaatay Deni, balse illaa iyo hadda xog lagama hayo wax ay ka wada-hadleen.

Kulanka ayaa imanaya ayada oo Saciid Deni uu shalay un kasoo laabtay dalka Itoobiya, taasi oo dhalineysa su’aal ah; sababta uu sirdoonka Itoobiya ugu qaabilay Garowe maadaama uu ka yimid caasimadooda.

Waxa uu sidoo kale kulanka imanaya ayada oo aad uu u xun yahay xiriirka Itoobiya iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya kadib markii Muqdisho ay dalka ka cayrisay safiirkii Itoobiya, islamarkaana amartay in la xiro qunsuliyadaha Itoobiya ee Garowe iyo Hargeysa.

Puntland iyo Somaliland ayaa labadaba diiday inay u hoggaansamaan amarka Dowladda Federaalka ee xiritaanka qunsuliydaha.

Somaliland waxay ku dooday inay tahay “dal madax-banaan” oo aysan aqoonsaneyn amarka Dowladda Federaalka, halka maamulka Saciid Deni uu qiil ka dhigtay khilaafka kala dhaxeeya Dowladda Federaalka.

Puntland ayaa ku eedeysay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya inay laashay Dastuurkii xaqiijinayey isku-haynta ummada iyo dowlad-dhiska Soomaaliya, sida lagu yiri qoraal ay xilligaas soo saartay.

“Go’aankii ka soo baxay magaalada Muqdisho 4ta Bisha April 2024, ma ahayn mid loogu danaynayey maslaxada umadda Soomaaliyeed ee waxa uu ahaa mid ku salaysan cadaawad, xin iyo hagardaameyn lala daba-joogo shacabka Puntland laguna majo-xaabinayo federaalaynta Soomaaliya,” ayey tiri Puntland.

“Haddaba, waxay Dowladda Puntland cadaynaysaa in ay danaheeda kala macaamilayso wadamada deriska ah, beesha caalamka iyo dhamaan daneeyeyaasha arrimaha Soomaaliya, islamarkasna go’aanka xiritaanka Qusuliyada Garowe aanu khusayn Puntland.”

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA