Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Jaamacad Maraykan ah oo xayiraad ku soo rogtay arday Samaysay mudaharaado lagu taageerayo Falastiin.

Talaado-30-April -2024 {HMC} Jaamacadda Colombia ee ku taalla magaalada New York ee dalkan Maraykanka ayaa Isniintii mamnuucday, xubnaha ardayda ee u dhaqdhaqaaqa Falastiiniyiinta ee diiday inay ka guuraan barxadda hore ee dhismaha Jaamacadda ee ku yaalla magaalada New York, ka dib markii ay xubnaha soo abaabulay mudaharaadada iyo maamulka Jaamacaddu ay isku afgaran waayeen sidii loosoo afjari lahaa debedbaxyada.

Madaxweynaha Jaamacaddan oo lagu magcaabo Nemat Minouche Shafik ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay, in maalmo badan oo ay socdeen wadahadalo kala duwan oo u dhexeeyey ardayda soo abaabushay mudaharaadadan iyo masuuliyiinta Jaamacaddu, inay ku guuldaraysteen, in ardayda debedbaxa samaynaysa lagu qanciyo inay furfuraan taandooyinka ka dhisan barxadda Jaamacadda, kuwaas oo ka soo horjeeda dagaalka Israa’iil ay ka waddo Qaza.

Maalmahan ugu dambeeyey waxaa jaamacadaha dalka Maraykanka ka socday mudaharaado kala duwan oo lagu taageerayo Falastiiniyiinta, isla markaana lagaga soo horjeeda dagaalka Qaza.

Ciidamada booliska ee magaalada Austin ee gobolka Texas, ayaa iyaguna xabsiga u taxaabay tobanaan arday oo dhigayey mudaharaad lagu taageerayey Falastiiniyiinta.

Jaamacadda Colombia ayaa ardayda u dirtay Isniintii, in haddii ay ka guuri waayaan barxadda Jaamacadda marka la gaadho 2 duhurnimo, isla markaana ay saxeexi waayaan inay raacayaan shuruucda jaamacadda, in laga mamnuuci doono jaamacadda, isla markaana aanay awoodi doonin inay dhamaystaan waxbarashadooda.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA