Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Kadib fadeexadii musuq-maasuqa Taliyaha ciidanka XDS oo kulan la qaatay Saraakiil kasocoto Mareykanka.

Talaado-30-April -2024 {HMC} Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay Taliyaha ciidamada gaarka ah ee Mareykanka Kornel David Haskell.

Taliye Ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa Saraakiisha Mareykanka ee qaabilsan Howlgallada gaarka ah wuxuu Kala hadlay xoojinta taageerada dagaalka dalka looga xureynayo al shabaab, isagoo xusay inuu dhawaan bilaaban doono howlgal balaaran oo labada dhinac iska kaashan doonaan.

Taliska Mareykanka ee Soomaaliya u jooga fulinta Howlgallada gaarka ah ayaa balan-qaaday inay diyaar u yihiin kaalintooda ku aadan howlgalka.

Kulankan ayaa ku soo aaday xili Mareykanka uu joojiyey taageeradii dhinaca saadka raashiinka ee uu siin jiray ciidamada xoogga dalka ee DANAB ka dib markii ay soo baxeen eedeymo la xiriira inuu dhacay musuq.

Mareykanka ayaa ka mid ah dowladaha taageerada siiya ciidamada dowlada ee dagaalka kula jira al shabaab, isagoo ka caawiwa dhinacyada Saadka, tababarada iyo howlgalada gaarka ah.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA