Friday, May 17, 2024
spot_imgspot_img

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan qaas ah la qaatay Madaxaha Golaha Madaxtooyada Liibiya.

Talaado-30-April -2024 {HMC} Maxamed Yoonis Bashiir Bu Xuweysh Al-Menfi oo ah Madaxweynaha Golaha Madaxtooyada Liibiya (The Presidential Council) waxa uu Xafiiskiisa ku qaabilay Ergay Khaas ah oo ka socday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Yuusuf Axmed oo ah La-Taliyaha iyo Ergayga Khaaska ee Madaxweynaha JFS waxa uu Al-Menfi gaarsiiyey Dhambaal Qoraal ah oo uu u soo diray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Qaabilaadaasi waxay ka dhacday Xarunta Golaha Madaxtooyada Libya oo ku taalla Caasimadda dalkaasi ee Tripoli, sida ay baahisay Wakaallada Wararka Libya

Madaxa Golaha Madaxtooyada Libya (PC) oo Qaabilaadaasi la hadlay waxa uu ka hadlay Xiriirka laba Geesoodka ee u dhexeeya Somalia iyo Libya, isagoo diirada saaray Xiriirka xoogan ee dhinacyada badan taabanayo.

Waxa kale oo uu diirada saaray Xoojinta Xiriirka xooggan ee ka dhaxeeya labada dal.

Xafiiska Madaxa Golaha Madaxtooyada Libya wax Faahfaahin dheeraad ah kama bixinin Nuxurka Dhambaalka Khaaska ee uu Madaxweynaha JFS u soo diray dhigiisa dalkaasi.

Wafdiga uu horkacayey La-Taliyaha iyo Ergayga Khaaska ee Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka koobnaa 4 Xubnood waxaa ka mid ahaa Ambassador Daahir Maxamuud Geelle oo ah Diblomaasi Rug-Cadaa ah.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {16-05-2024}

Khamiis-16-May-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdiqani Osoble Farsamadii ::Abdirahman Macalin Muse HOOS...

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 16/5/2024

Khamiis-16-May-2024 {HMC} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 16/5/2024 HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/E45ZjX7VNoA

WARARKA