Friday, May 17, 2024
spot_imgspot_img

maxkamadda dambiyadda caalamiga ah ee ICJ oo Loo Gudbiyay Dacwo Ka Dhan Ah Dalka Jarmalka

Talaado-30-April -2024 {HMC} Dowladda Nicaragua ayaa dacwad ka dhan ah dowladda Jarmalka u gudbisay maxkamadda dambiyadda caalamiga ah ee ICJ, waxaana Jarmalka lagu dacweeyay in uu hub ka iibiyay maamulka Israel oo xasuuq ka geestay magaalada Gaza.

Garsoorayaasha Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ ayaana maanta la filayaa in ay jawaab ka bixiyaan dacwada ay dowladda Nicaragua ka gudbisay Jarmalka , oo kamid ah dowladaha Israel ku taageeray howlgalka xasuuqa ee Gaza ka socda.

Dowladda Jarmalka ayaana lagu eedeeyay in ay jabisay heshiiskii ilaalinta xaquuqda aadanaha, sidoo kale wax caadi ah ka dhigtay dilka iyo dhibaatooyinka lagu hayo shacabka aan waxba galabsan ee Gaza kunool.

War kasoo baxay dowladda Jarmalka ayey ku beenisay eedeymaha loo soo jeediyay, waxa ayna dowladda sheegtay in aysan jirin wax rasaas iyo madaafiic ah oo ay u dhoofiyeen Israel tan iyo waxii ka dambeeyay bishii October ee sannadkii hore.

Dowladda Jarmalka ayaa kamid ah dowladaha sida weyn Isreal ugu taageeray duullaanka ay ku qaaday magaalada Gaza, waxaana Jarmalka sidoo kale lagu eedeenayaa in si qarsoodi ah hub culus ugu dhoofiyay Israel.

{DAAWO MUUQAALKA} Meydka Wiil dhalinyara oo laga soo saaray tog ku yaalla Duleedka Magaalada Hargeysa.

Jimco-17-May-2024 {HMC}  Meydka Wiil dhalinyara oo laga soo saaray tog ku yaalla Duleedka Magaalada Hargeysa. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/bFp9EuExd9s

{DAAWO MUUQAALKA} Awooda biyaha ee soo gaaray Deegaanka hilikiliyo ma dhamo wax laga qaxo”Cabdulahi Salaad”

Jimco-17-May-2024 {HMC} Awooda biyaha ee soo gaaray Deegaanka hilikiliyo ma dhamo wax laga qaxo''Cabdulahi Salaad'' HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/-DTDiBzwIBk

WARARKA