Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Nin Ku Hubeesan Seef oo Weeraray Shacab Iyo Saraakiil Pooliis ku Sugnaa saldhiga laga raaco tareenada dhulka hoostooda mara

Talaado-30-April -2024 {HMC} Nin seef ku hubeysnaa ayaa maanta weerar khasaaro geestay ka fuliyay meel ku dhow saldhiga laga raaco tareenada dhulka hoostooda mara ee deegaanka Hainault ee kuyaalla waqooyi bari ee magaaladda London.

War kasoo baxay booliiska magaalada London ayaa lagu sheegay in ninka seefta watay uu dhaawacyo kala duwan gaarsiiyay shan qof oo labo kamid ah ahaayeen askar, halka saddexda qof kalana ay shacab ahaayeen.

Ciidamada booliiska ayaana ku guuleestay in ay si deg deg ah gacanta ugu dhigaan ninkii weerarka geestay oo 36-sanno jir ahaa, booliiska ayaana weerarkan ku tilmaamay in uusan aheyn mid argagaxiso.

Duqa magaalada London Sadiq Khan ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkan ka dhacay duleedka magaalada London, waxa uuna sheegay in uu aad uga xun yahay weerarka dhacay oo sababay dhaawacyada dad rayid ah iyo saraakiil booliis.

Sadiq Khan ayaana ku ammaanay booliiska sida deg dega ah ay u qabteen ninka weerarka geestay, waxa uuna caddeeeyay in xaalada hadda si caadi ah kusoo laabatay, lana sugay amniga goobtii uu weerarka ka dhacay.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA