Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Somaliland oo sheegtay in xariga iyo tacadiyo loo gaysto muwaadiniinta Somaliland ee ku sugan Muqdisho.

Talaado-30-April -2024 {HMC} Xukuumadda Somaliland ayaa baaq culus u dirtay beesha caalamka, kaasi oo la xiriira kiiska dilka Agaasimihii waaxda diyaaradaha ee hay’adda duulimaadka rayidka Soomaaliya, oo nabad-sugidda u xirtay shaqsiyaad kasoo jeeda Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Ciise Keyd Maxamuud ayaa ka dalbaday caalamka inuu soo fara-geliyo arrintaan, isaga oo sheegay in muwaadiniinta Somaliland ee kiiska loo xirtay loo geystay jirdil xooggan.

Wasiirka ayaa sidoo kale caddeeyay in xukuumadda Somaliland ay si dhow ula socoto xariga iyo tacadiyo muwaadiniinta Somaliland ee ku sugan Muqdisho ay ku samaynayeen hay’addo dawladeed, sida uu hadalka u dhigay.

“Xukuumadda Somaliland waxay ugu baaqday beesha caalamka iyo hay’adaha xuquuqul insaanku inay deg-deg u fara-geliyaan dhacdadan,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Somaliland.

Waxa uuna ka dalbaday dhinacyadaasi in xoriyadooda loo soo celiyo dadkaasi xiran, oo uu tilmaamay in jirdil loo geystay, islamarkaana sifo sharci darro ah u xiran yihiin tan iyo bartamihii Febraayo, iyada oo aan loo haynin wax lagu xukumo

Wasiir Ciise Keyd ayaa ugu dambeyntiina soo bandhigay magacyada dhallinyaradan oo u shaqeeya hay’addaha ICAO iyo WFP

kuwaasi oo kala ah;

1. Mubaarig Nuur Cali – ICAO
2. Nuuradiin Ileeye – ICAO)
3. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Khaliif – Salaf – ICAO.
4. Maxamed Cabdiraxmaan – WFP
5. Almis Saleebaan –WFP

Horey waxaa warbaahinta dhowr jeer kasoo muuqday ehellada raggan u xiran nabad-sugidda Soomaaliya, iyagoo sheegay in jirdil ba’an loogu geysto si joogto ah, ayna aad u liidato xaaladooda.

Dhalinyaradan oo u badan reer waqooyi ayaa loo soo qabtay dilka Cabdinaasir Dahable oo ahaa Agaasimihii waaxda diyaaradaha ee hay’adda duulimaadka rayidka Soomaaliya, waxaana weli ku socda baaritaan oo looma gudbin maxkamadaha dalka.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA