Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Wax Ka Ogaaw Ujeedka Safarka Agaasimaha Sirdoonka dalka Turkiga ee Muqdisho.

Talaado-30-April -2024 {HMC} Waxaa maanta magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya soo gaaray Agaasimaha hay’adda Sirdoonka Qaranka ee dalka Turkiga Ibrahim Kalin iyo xubno kale oo saraakiil ah oo la socday.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxaa kusoo dhaweeyay Agaasimaha Sirdoonka Turkiga, saraakiil katirsan ciidanka NISA iyo masuuliyiin kale oo katirsan dowladda Soomaaliya.

Agaasime Ibrahim Kalin ayaa la filayaa inuu la kulmo Madaxda dalka ugu sarreysa qaarkood iyo sidoo kale Agaasimaha cusub ee hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe.

Safarka ayaa wuxuu daaran yahay iskaashiga iyo xoojinta xiriirka labada Sirdoon ee Soomaaliya iyo Turkiga, iyadoo ay qeyb ka tahay la dagaalanka AS oo uu Turkiga si weyn ugu taageerayo dowladda Soomaaliya.

Dowladda Turkiga ayaa si weyn u taageerta Soomaaliya, waxa ayna si gaar uga taageerta la-dagaalanka AS tababarada iyo qalabeynta ciidanka , waxa ay sidoo kale labada dhinac leeyihiin iskaashi dhinacyo badan leh.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA