Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Xuutiyiinta Yemen oo weeraray Markab Xamuul oo ka kictimiyay Dekad kutaalla Jabuuti.

Talaado-30-April -2024 {HMC} Markab nuuca xamuulka qaada ah oo ka shiraacday dekad kutaalla dalka Jabuuti ayaa lagu weeraray biyaha dalka Yemen, xilli markabkaasi uu kusii jeeday dekedda magaalladda Jeddah ee dalka Sacuudiga.

Kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen ayaa la sheegay in saddex gantaal ku tuureen markabkan ka shiraacday dalka Jabuuti, waxaana la sheegay in mid kamid ah gantaalada uu ku dhacay markabka uuna waxyeelo geestay.

Shirkadda UK u qaaabilsan ammaanka Baddaha (The British maritime security firm) ayaa sheegtay in markabka lagu weeraray saddex gantaal, waxa ayna sheegeen in uu jiro khasaaro soo gaaray markabka la weeraray

Markabka weerarka la kulmay ayaa waxaa ka babanayay calanka dalka Malta, waxaana masuuliyadda weerarkan si cad u sheegatay kooxda Xuutiyiinta ee maamusha qeybo kamid ah dalka Yemen.

Xuutiyiinta ayaa si joogta ah u weerarada maraakiibta shisheeye ee isticmaala badda cas, waxa ayna marar badan gantaalo ku weerareen maraakiib dhowr ah oo qaarkood waxyeelo kasoo gaartay weerarka.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA