Thursday, June 13, 2024
spot_imgspot_img

Diyaard Dagaalka oo uu Lahaa Mareeykanka oo Soo Dhacday

Arbaco-01-may -2024 {HMC} Diyaarad nuuca dagaalka ah oo ay leeyihiin milatariga dalka Mareykanka ayaa shalay galab oo Talaado ahayd ku burburtay meel ku dhow Saldhiga ciidanka cirka Holloman Air Force Base ee gobalka New Mexico .

Warbaahinta dalka Mareykanka ayaa baahisay in diyaarada bur burtay oo nuuceedu ahaa F-16 ay soo dhacday xilli ay hawada ku jirtay, waxa ayna sheegeen in duuliyihii diyaaradda uu ka booday uuna soo gaaray dhaawac.

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay diyaaradda dagaalka ay arkayeen iyada oo ku dhaceysa meel ku dhow beerta Qaranka ee (The White Sands National Park), kooxaha gurmadka ayaana goobtaasi si deg deg ah u gaaray.

Wali lama shaacin ciladda sababtay in ay soo dhacdo diyaaradan nuuca dagaalka ay lahaayeen milatariga Mareykanka, waxaana socda baaritaanno shilkan ku sameenayaan khubaro loo xil saaray.

Diyaaradda F-16 ayaa kamid ah diyaaradaha casriga ah ay isticmaalaan milatariga Mareykanka, waxaana horey u dhacday shilal kale oo diyaaradan iyo kuwa kale ay ciidamada leeyihiin uga dhacady gudaha Mareykanka iyo meelo kale oo ka baxsan.

{DAAWO MUUQAALKA} Askarigii Dhawacay Taliyahiisa oo Xariir Jaceyl Maxkmada lagu Keenay Asiga oo Baxsad ahaa.

Arbaco 12 June 2024 {HMC} Askarigii Dhawacay Taliyahiisa oo Xariir Jaceyl Maxkmada lagu Keenay Asiga oo Baxsad ahaa. HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Wasaaradda Amniga XFS oo guddi gaar ah u xilsaartay sugidda amniga hey’adaha fulinaya Udxiyada.

Arbaco 12 June 2024 {HMC} Wasaaradda Amniga XFS oo guddi gaar ah u xilsaartay sugidda amniga hey’adaha fulinaya Udxiyada. HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

WARARKA