Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Dowladda Kenya oo sheegtay inay qabatay xubin katirsan Kooxda AS

Arbaco 1, May 2024 {HMC} Dowladda Kenya gaar ahaan Hay’adaha amniga ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen Mustakima Mohammed Ali oo loo yaqaan Abu Maahir, oo la sheegay inuu katirsan yahay kooxda Alshabaab.

Abuu maahir Ninkaan lagu Magacaabo ayay dowladda Kenya nolol iyo geeri ku raadinaysay tan iyo 2019, isagoo loo haysto dilka sarkaal bilays ah iyo laba qof oo kale, dilkaas oo ka dhacay Gobolka xeebta ee Lamu.

Ciidamada ammaanka ayaa xiray ninkaan, isagoo bas ka soo raacay Lamu kuna socday Malindi.

Kenya waxay sheegtay, in Mustakima uu ka mid ahaa argagixisadii ku dhuumaalaysanayay Keymaha Boni ka hor inta uusan u cararin Soomaaliya, ka dib howlgallo ay xoojiyeen laamaha ammaanka Kenya.

“Qabashada haraadiga Al shabaab sida Mustakima waa guul weyn oo laga gaaray argagixisanimada iyadoo dowladdu adeegsato wax walba oo lagu dhimo khatarta argagixisada,” ayaa lagu yiri warkan.

Dowladda Kenya waxay sheegtay dagaalka ka dhanka ah Alshabaab ee Lamu in uu dhaliyay miro horseeday in la dhimo weeraradii argagixisanimo, fulinta mashaariicda iyo dib u habeynta waaxda dalxiiska.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA