Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

qasaaro la duwan oo ka dhashay dagaal dhaxmaray ciidaamada dowladda iyo koxda AS.

Arbaco-01-may -2024 {HMC} Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar culus oo ay xalay kooxda AS ku qaadeen saldhig ciidamada milatariga Soomaaliya ay ku leeyihiin deegaanka Sabiid ee goboka Shabeelaha Hoose.

Weerarka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo dhex-maray AS-kii weerarka qaaday iyo ciidamada dowladda ee ku sugnaa halkaasi.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalka uu socday saacado badan, isla markaana la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, balse aysan caddeyn karin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda oo ku sugan deegaanka lagu dagaalamay ayaa shaaca ka qaaday inay iska difaaceen AS-kii weerarka soo qaaday, ayna dib u celiyeen.

Dhanka kale, war kasoo baxay kooxda AS ayaa waxaa lagu sheegay in khasaare ay gaarsiiyeen ciidamada ku sugnaa saldhigga deegaanka Sabiid, isla markaana ay ku jabiyeen dagaalka ay la galeen.

Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana goobaha lagu dagaalamay ku sugan ciidamada dowladda oo haatan dhaq-dhaqaaqyo culus ka wada halkaasi.

Muddooyinkii u dambeeyay ayaa AS waxa ay kordhisay weerarada gaadmada re ay aroortii hore ku qaado ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee ku sugan furimaha hore ee dagaalka.

Si kastaba, Shabeelaha Hoose oo kamid ah gobollada ay ku xoogan tahay kooxda AS ayaa waxaa badanaa ka dhaco weeraro iyo dagaallo gaysta khasaarooyin isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA