Tuesday, May 21, 2024
spot_imgspot_img

Shir garab istaag iyo taagero loogu muujiyay soomaaliya oo ka dhacay Qatar.

Arbaco-01-may -2024 {HMC} Waxaa magaalada Dooxa ee dalka Qatar lagu soo gabagabeeyey shirka ‘Madasha Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Carabta’ kaas oo qodob ka mid ah bayaankii laga soo saaray si weyn loogu taageeray Soomaaliya, iyadoo Itoobiya lagu tilmaamay mid ku soo gardarootay badda, wadajirka iyo madax-banaanida Soomaaliya oo ah lama taabtaan.

Shirkaas waxaa isugu yimid Wasiirrada Arrimaha Dibadda, Maaliyadda iyo Dhaqaalaha Carabta iyo Wasiirrada Arrimaha Dibadda, Maaliyadda iyo Dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda Azerbaijan, waxaana si weyn loogu garab istaagay qadiyadda Soomaaliya ee ka dhanka ah Itoobiya, wasiirka arrimaha dibadda Axmed Macalin Fiqi ayaa shirkaas uga qeyb galay Soomaaliya.

Wasiirradu waxay caddeeyeen inay taageerayaan Amniga, Xasiloonida, Midnimada, Qaranimada iyo wadajirka Geyiga Soomaaliyeed, waxayna ku taageereen dawladda Soomaaliya dadaalka ay ugu jirto ilaalinta madax bannaanida Soomaaliya ee berriga, badda iyo cirka.

Sidoo kale waxay caddeeyeen in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay xaq u leedahay in ay si sharci ah u difaacdo dhulkeeda sida ku cad qodobka (51) ee Axdiga Qaramada Midoobay, iyo qodobbada khuseeya Axdiga Jaamacadda Carabta, ayna taageerayaan dhismaha hay’adaha Dawladda Soomaaliya.

“Wasiirradu waxay si buuxda u taageersan yihiin mawqifka Dawladda Soomaaliya dhammaan hay’addeeda, kaas oo looga soo hor jeestay ‘Is-afgaradkii’ 1-dii January 2024 ay wada saxiixdeen Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya iyo Deegaanka (Somaliland) mid aan waxba ka jirin oo aan la aqbali karin, kana dhigan xadgudub bareer ah oo ka dhan ah mabaadi’da qaanuunka caalamiga ah iyo madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri nuqul ka mid ah bayaankaan caalamiga ah.

Sidoo kale warsaxaafadeedka wasiiradaan Carbeed waxaa lagu sheegay in damaca Itoobiya uu meesha ka saaray xiriirka deris wanaagga, nabad ku wada noolaanshaha iyo xasilloonida gobolka.

“Wasiirradu qoraalkaan waxay ku muujiyeen diidmadooda wax kasta oo sharci, siyaasad, ganacsi iyo mid ciidan oo ka soo baxay is-afgaradkii 1-dii Janaayo Addis Ababa ku dhexmaray Abiy Axmed iyo Muuse Biixi, waxayna ku booriyeen dhammaan dalalka caalamia inay cambaareeyaan oo ay diidaan qorshahaas.

Sidoo kale wasiiradu waxay diideen isku dayo lagu abuurayo xaqiiqo-siyaasadeed cusub oo ka jirta Gacanka Cadmeed, xeebaha Soomaaliya iyo Badda Cas, waxaana loo arkaa tallaabo khatar ku ah amniga Carabta iyo socdaalka Badda Cas iyo Gacanka Cadan.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Hiiraanweyn 21-05-2024

Talaado, 21 May, 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdiqani Osoble Farsamadii...

{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 21/5/2024

Talaado-21-May-2024 {HMC} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 21/5/2024 HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/lRA32gstXQc

WARARKA