Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Uganda oo cunaqabateyn la saaray.

Arbaco-01-may -2024 {HMC} Dowladda Ingiriiska ayaa cunaqabateyn dhinaca safarka iyo dhaqaalaha kusoo rogtay afhayeenka Baarlamaanka dalka Uganda, Anita Among iyo labo xildhibaan oo kale oo katirsan Baarlamaanka dalkaasi.

Xubnahan dowladda Ingiriiska kusoo rogeen cunaqabateynta ayaa lagu eedeeyay in ay ku kaceen musuqmaasuq iyo xatooyo , waxaana si gaar ah loogu eedeeyay afhayeenka in ay xaday lacago loogu tala galay Baarlamaanka Uganda.

Wasaaradda arrimaha dibadda Britain ayaa sheegtay labo wasiir oo hore, haddana ah xildhibaanno Mary Goretti Kitutu iyo Agnes Nandutu, in ay xadeen malaayiin lamayeeri oo loogu talo galay bulshooyinka saboolka ah ee ku nool gobolka Karamoja.

Afhayeenka Baarlamaanka dalka Uganda, Anita Among ayaa beenisay eedeymaha musuqmaasuq ee loo jeediyay, waxa ayna sheegtay in kaliya lagu heesto taageerada xooggan ee siisay sharciga looga soo horjeeday dadka isku jinsiga ah ee isku taga.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA