Friday, May 17, 2024
spot_imgspot_img

Daadad Kusoo Rogmaday Baladweyne oo Barakac Sababay.

Faah Faahino dheerad ah ayaa laga helayaa, Daadad Xoog leh oo xalay kusoo rogmaday Xaafado Kamid ah Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan Kadib Markii roob uu ka da’ay Magaalada iyo Deegaanada Kale ee hoos-yimaado.
Daadadka ayaa sababay In boqolaal qoys ay xalay iskaga Barakacaan Xaafado kamid ah Magaalada Baladweyne. Dhibaatada ugu daran waxaa wajahay dadka ku nool Xaafada Kooshin gaar ahaan laanta Kutiimbo iyo Raadeerka, kaasi oo biyo aad ufarabadan ay guryahooda buux dhaafiyeen.
Dadka daganaa Xaafadahan ayaa Hiiraanweyn u sheegay in dhamaan Alaabtii guriga u taalay Sida Cunada, Jiifka iyo Alaabta kale ay biyaha ka qaadeeyn. Waxaana ay intaasi ku dareeyn in biyaha ay kala baxeeyn oo kali ah Caruurtooda.
Inkastoo biyaha xalay Xaafado kamid ah Sameeyay aysan aheeyn Fatahaad Wabiga shabeelle, ayaa hadane dadka waxaa ay Muujinayaan Cabsi dheeraad ah madaama Wabiga uu aad u buux dhaaafiyay Xiligan.
Laamiga dheer ee isku xiro Magaalada iyo Deegaanka Ceeljaale ayey xalay biyaha dul-mareeyn taasi oo Cabsi dadka ku Abuurtay. Dad badan ayaa xalay seexday Laamiga dhinaciisa madaama biyaha ay guryahoda ka galeeyn.
Ilaa iyo hada lama oga Khasaaraha Rasmiga ah ee ah in ay dad wax ku noqdeeyn iyo dhibaatada gaartay dadka. Maamulkane Sidoo kale wax war ah kama soo bixin.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {16-05-2024}

Khamiis-16-May-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdiqani Osoble Farsamadii ::Abdirahman Macalin Muse HOOS...

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 16/5/2024

Khamiis-16-May-2024 {HMC} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 16/5/2024 HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/E45ZjX7VNoA

WARARKA