Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Ciidan Ka Tirsan Doowlada Soomalia oo Tababar Ugu Soo Xirmay Jabuuti.

KHamiis-02-may -2024 {HMC} Tababar muddo ka socdey gudaha dalka jabuuti ayaa waxaa kaalin ka geystey dowlada Talyaaniga iyo walaalaheen Jabuuti waxaana tababarka ka faa’iideystay daraawiishta boliiska gaar ahaan cutub ka tirsan dufcadii 20.aad ee ciidanka daraawiishta.

S/guuto Sulub Axmed Firin ayaa bogaadiyay dadaalka iyo dhabar adeega ay muujiyeen ciidanka mudada uu socday tababarka.

Sidoo kale taliyaha ayaa u mahadceliyay dowladaha Jabuuti iyo taliyaaniga oo uu sheegay inay door weyn ka qaateen tababarada iyo dib u dhiska ciidanka boliiska soomaalieed.

Ugu dambeyn taliyaha ciidanka boliiska Soomaaliyeed S/guuto Sulub Axmad Firin ayaa ka codsadey dowladda Talyaaniga iyo Jabuuti inay sii wadaan taageerada dhanka tababarada ah ee ay siiyaan boliiska Soomaaliyeed, si loo xoojiyo tayada ciidanka daraawiishta boliiska Soomaaliyeed.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA