Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Gabadh Muslimad Keenyaan Ah oo Loo Magacaaway Taliyaha Ciidamada Cirka Kenya

Khamiis 2, May 2024 {HMC} Gabadhii ugu horreysay oo muslim ah kana tirsan ciidanka milatariga dalka Kenya, ayaa loo magacaabay in ay noqoto taliyaha ciidamada Cirka ee dalkaasi, kaddib is badal lagu sameeyay qaar kamid ah talisyada ciidamada milatariga Kenya.

Jeneral Faaduma Gaiti Axmed ayaa loo magacaabay in ay noqoto taliyaha ciidamada cirka ee dalka Kenya, waxa ayna haweeneydan kamid aheyd saraakiisha ugu saamneynta badan ciidamada milatariga Kenya.

Magacaabista taliyaha ciidamada cirka ee dalka Kenya ayaa timid kaddib geeridii ku timid taliyihii ciidanka milatariga Kenya iyo sagaal sargaal kale oo la socotay oo ku dhintay shil diyaaradeed, Madaxweyne Rutu ayaana isbadalo dhowr ah ku sameeyay talisyada ciidanka.

Haweeneydan loo magacaabay taliyaha ciidamada cirka dalka Kenya Jeneral Faaduma Gaiti Axmed, ayaa horey sidoo kale u noqotay gabadhiii ugu horreusay oo gaarta derajada sareeya gaas oo katirsan ciidanka milatariga.

 

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA