Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Gudoomiyaha Gobalka Banaadir oo dhagax dhigay Waddo laami cusub Ah.

Khamiis 2, May 2024 {HMC} Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale {Madaale} ayaa dhagax-dhigay dhismaha waddo laami cusub oo ka bilaabanayo Xaliimo Hayte illaa Ceelcadde, taasi oo dhex maraysa degmada Kaaraan iyo deegaanka Gubadley.

Dhismaha waddadaan oo ay iska kaashanayaan maamulka gobolka Banaadir, bulshada degmada Karaan iyo bulshada deegaanka Gubadley, ayaa loogu Magacdaray guddoomiyaha gobolka Banaadir {Waddada Madaale – Madaale Road}, maadaama ay tahay markii ugu horeysay oo waddo laami ah laga hirgeliyo.

Munaasabadda dhagaxdhigga waxaa goobjoog ka ahaa Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda G/Banaadir, Guddoomiyeyaal Degmo, Agaasimeyaal, Odayaasha dhaqanka, Ganacsato iyo qeybaha kala gedisan ee Bulshada Degmada Kaaraan iyo Gubadley.

Waddadan cusub ee loogu magac-daray guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa noqoneysa tii ugu horreysay oo loogu magac daro guddoomiye gobol, waxaana Madaale lagu ammaanay in uu inta badan waddooyin u dhiso degmooyinka tolkiisa ku badan yihiin.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA