Friday, May 17, 2024
spot_imgspot_img

Israa’iil oo lagu eedeeyey wax noqon kara dambi dagaal

Khamiis 2, May 2024 {HMC}  Israa’iil ayaa lagu eedeeyay in ay suuragal tahay in ay gashay dambiyo dagaal kaddib markii ay daanta galbeed ku dishay wiil Falastiini ah. 9-ka bishii Nofermber sanadkii tagay goor aroor ah wiilal Falatiiniyiin ah oo wadda ku ciyaarayay ayey askarta Israel rasaas ku fureen.

Daqiiqado kaddib labada wiil dhulka ayey ku dhaceen. Basil 15 jir ayuu ahaa halka Adama uu jiray 8 sano.

Baaris ay BBC-da ku sameysay daanta galbeed oo ciidamada Israel joogaan waxay BBC-da soo ururisay wixii maalintaas ku dhacay wiilasha la dilay.

Muuqaalo lagu duubay teleefoonada gacanta iyo kameerooyinka guryaha ku xirnaa, xogta dhaq dhaqaaqa militeriga Israel, goobjoogayaal iyo goobta oo si weyn loo baaray marka intaas laysku daro waxay muujineysaa in xadgudub weyn oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha la galay.

Ergayga gaarka Qaramada Midoobay ee xuquuqda adanaha, Ben Saul, waxa uu sheegay sida uu u dhintay Adam in ay muujineyso in dambi dagaal uu dhacay.

Ciidamada Israel waxay sheegeen in ay baarayaan sababta geerida carruurtaas balse waxay sheegeen in rasaas nool ay u adegsadeen si ay uga hortagaan khatar ku wajahneyd ciidankooda.

Markii ay kordheen rabshadaha daanta galbeed bilihii u dambeeyay iyo weerarkii Xamaas waxay BBC-da heshay caddeymo ah in guryaha reer Falastiin burbur loo geystay iyo in loogu sheegay dadka in ay ka baxaan dalka oo aadaan Urdun.

XIGASHO BBC SOMALI

{DHAGEYSO} warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {17.05.2024}

Jimco 17 May 2024 {HMC} – Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn. Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweynaha SSC-Khaatumo oo lagu soo dhaweeyey Magaalada Roma Talyaaniga.

Jimco-17-May-2024 {HMC}  Madaxweynaha SSC-Khaatumo oo lagu soo dhaweeyey Magaalada Roma Talyaaniga. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/yZY46tY43Jo

WARARKA