Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Kenya: 181 qof oo ku dhintay daadadka Dalkaasi

Khamiis 2, May 2024 {HMC}  NAIROBI — Saraakiil ka tirsan Dowladda Kenya iyo Ururka Caalamiga ah ee Laanqeerta Cas ayaa Arbacadii sheegay, in tirada dadka ku dhintay daadadka ka dhacay Kenya tan iyo bishi March ay gaareen 181 ruux.

Masiibadan oo ka dhalatay roobab mahiigaan ah iyo fatahaadaha ayaa sidoo kale burburisay guryo, waddooyin, buundooyin iyo kaabayaal kale, sida ay sheegeen saraakiisha Kenya.

Laanqeerta Cas ayaa Arbacadi sheegtay, in shalay la helay meydka laba qof oo ka mid ahaa 48 ruux oo Isniinti ku dhintay daadad qaaday degmada Mai Mahiu. Afhayeenka dowladda Isaac Mwaura ayaa sheegay in tirada dhimashada oo marki hore aheyd 10 ay hadda gaartay 179.

Ciidanka millatariga oo kaashanaya eeyaha tababaran ayaa ka qeybgalaya howlgallada gurmadka ee lagu baadi goobayo dadka ku maqan daadadka.

Meelaha howlaga gurmadka ay ka socdaan ayaa sidoo kale waxaa ka mid ah deegaanka Kitengela oo 20 mile u jirta magaalada Nairobi, halkaas oo guryihi ay qariyeen fatahaadda.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA