Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Kenya oo Shaaciyay in ay dileen xubno katirsan kooxda AS

Khamiis 2, May 2024 {HMC} Ciidamada ammaanka dalka Kenya ayaa shaaciyay in ay dileen dagaallamayaal katirsanaa kooxda Al Shabaab, oo ku sugnaa deegaanka lagu magacaabo Kumba kuyaalla gobolka Lamu ee kuyaalla xadka Soomaaliya iyo Kenya.

War kasoo baxay booliiska dalka Kenya ayaa lagu sheegay in ciidamada weerar gaadmo ah ku qaadeen dhul keymo ah ay ku sugnaayeen xubnaha Al Shabaab katirsanaa , weerarkaasi ayey sheegeen in lagu dilay lix xubnood oo Al Shabaab ah.

Booliiska ayaa sidoo kale sheegay in xubnihii Al Shabaab ay weerareen ay ka furteen hub iyo sahay kale oo muhiim u ahaa, waxa ayna xuseen in wali socdo howlgalo ka dhan ah kooxdaasi la weeraray ee baxsatay.

Qaar kamid ah xubnihii Al Shabaab ee la weeraray ayaa la sheegay in ay goobta ka baxsaden, waxa ayna booliiska ka cabsi ka qabaan ragga baxsadka ah in ay dhibaatooyin geestaan.

“Shacabka waxaa lagula talinayaa in ay feejignaadaan, sababtoo ah howlgalku wuxuu horseedi karaa dhaqdhaqaaqyo kordha oo kooxda ah,” ayuu yiri sarkaal katirsan booliiska Kenya oo warbaahinta la hadlay.

Booliiska Kenya ayaa sidoo kale sheegay in nin katirsanaa kooxda Al Shabaab ee la dilay u muuqday in uu ahaa ajnabi aan aheyn Soomaali iyo Kenyan midab ahaan, halka kuwa kala ay dileen ciidamada aysan shaacin magacyadooda iyo xogtooda.

Weerarkan lagu qaaday kooxda Al Shabaab ayaa yimid kaddib markii sirdoonka Keya heleen xog ku aadan in kooxdan katirsan Al Shabaab oo ku sugnaa keymaha Boni Forest ay qorsheenayeen in ay fuliyaan weeraro.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA