Friday, May 17, 2024
spot_imgspot_img

Malaayiin doollar ay dad ajnebi ah Ka diraan Gudaha Soomaaliya bil walba iyo dalalka loo diro lacagtaas

Khamiis 2, May 2024 {HMC} Soomaaliya ayaa noqotay il dhaqaale oo cusub oo ay bil walba dad ajaanib ah kasoo diraan malaayiin dollar, kuwaa oo gudaha Soomaaliya ka qabta shaqooyin kala duwan ay ka sameeyaan dhaqaale.

Warbaahinta Kenya oo xiganaysa ilo diblumaasi ayaa sheegay inay Soomaaliya noqotay xarun dhaqaale oo cusub oo sanad walba dibeda looga diro kow iyo labaatan milyan oo doolar.

Dadka lacagaha u dira dibeda waxaa ka mid ab 35,000 oo qof oo Yugaandheys ah, oo kuwaas oo ka shaqeeya gudaha Soomaaliya. Dadkaas oo maalin walba xawila lacag u dhexeysa $50,000 Ilaa $60,000.

Nathan Mugisha, ku xigeenka Danjiraha Uganda ee Soomaaliya ayaa u sheegay wargeyska The EastAfrican in lacagtaas aad u yartahay marka la barbardhigo lacagaha ay Soomaaliya kasoo diraan shaqaalaha Kenyanka ah ee jooga Soomaaliya, kuwaas oo tiro ahaan ka badan Yugaandheyska.

“Waxaan halkan ku haynaa fursado badan oo ku saabsan beeraha, shaqaalaha xirfadlayaasha, gaar ahaan qaybta dhismaha iyo macdanta.”

“Waxa kaliya ee aan u baahanahay in aan hurdada kicino dadkeena si aan qiimo ugu kordhinno xirfadaha aan rabno inaan halkan ku suuqgeyno si aan wax badan uga helno dhaqaalahan,” ayuu sii raaciyay Nathan Mugisha.

Waa maxay shaqooyinka ay ka qabtaan Soomaaliya ajaaniibta Kenyanka ah iyo Ugandhayska ah
Ma jirto cilmibaaris rasmi ah oo lagu tiro koobay shaqooyinka ay Soomaaliya ka qabtaan dadka u dhashay Kenya iyo Uganda. Laakiin waxay uga dhex muuqdaan shaqooyinka dhismeyaasha, hotteelada, xarumaha waxbarashada iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay – xitaa waxay qaarkood ka shaqeeyaan guryaha dadka ladan.

Diblumaasiyiinta Safaaradda Kenya ayaa ku qiyaasay tirada muwaadiniintooda ka shaqeeya Soomaaliya in ka badan 30,000 oo qof. Waxaa se la rumeysan yahay in tirada rasmiga ah ay intaas ka badan karto.

Waxaana la filayaa in tiradan ay kor u kacdo shan laab, shanta sano ee soo socota, taas oo ay sabab u tahay kubiirista Soomaaliya ee ururka bulshada Bariga Afrika.

Sidaas oo ay tahay, Soomaaliya laguma darin warbixintii ugu dambeysay ee Bangiga Dhexe ee Kenya ee ku saabsan xawaaladaha sanadkii dhamaaday, kaas oo ay ku xuseen Tanzania, Uganda, South Africa, Nigeria, South Sudan, Zambia, Ivory Coast, Masar iyo Malawi oo ah meelaha ugu badan ee ay quraba joogta kenya lacagaha ugasoo diraan dalkooda.

Uganda iyadu way ka duwan tahay sidaas, oo waxaa ba loo arkaa Soomaaliya inay ka mid tahay dalalka ugu badan ee dadka Uganda ay u shaqo tagaan. Sacuudiga ayaa ah dalka koobaad ee dadka ugu badan ee reer Uganda ay u shaqo tagaan.

Sarkaal ka tirsan Safaaradda Uganda waxa uu u sheegay warbaahinta in tirada dadka Uganda ee u shaqo tago Soomaaliya ay kor u kacday ku dhawaad labo sano gudaheed kadib markii ay xiriiro wada jira ay yeesheen ergada joogtada ah ee Uganda iyo Soomaaliya bishii Agoosto 2022.

Soomaaliya iyo la-hawlgalayaasheeda ayaa sawir rajo leh ka bixinaya dhaqaalaha sanadkan si loo xoojiyo, iyadoo kobaca GDP dhabta ah la filayo inuu kordho 3.7 boqolkiiba, iyadoo loo eegayo dib-u-habaynta, baabiinta deynta iyo hagaajinta qulqulka xawaaladaha, sdia ay sheegtay Hay’adda Lacagta Adduunka.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {16-05-2024}

Khamiis-16-May-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdiqani Osoble Farsamadii ::Abdirahman Macalin Muse HOOS...

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 16/5/2024

Khamiis-16-May-2024 {HMC} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 16/5/2024 HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/E45ZjX7VNoA

WARARKA