Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Maxeey Ka Wada Hadleen Catriona Laing iyo laftagareen?

Khamiis 2, May 2024 {HMC}  Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Arimaha Soomaaliya Catriona Laing

Madaxweyne Laftagareen iyo Wakiil Catriona Laing ayaa ka Wada Hadlay Arimaha Bini’adanimada, Amniga, Isbedelka Cimilada, Siyaasada Dalka Dhinacyada Qabsoomida Shirka Golaha Wadatashiga, Dhamaystirka Dastuurka iyo Arimaha Doorashooyinka Dalka.

Kulanka Madaxweynaha waxaa ku Wehlinayey Wasiirka Waxbarashada iyo Agaasimaha Guud Madaxtooyada Koonfur Galbeed.

Sidoo kale, Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Aqalka Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabilay Safiirka Dowlada Sweden u fadhiya Soomaaliya Joachim Waern.

Kulanka ayaa lagaga hadlay Mashaariicda Dhinacyada Horumarka iyo Dib u dhiska ee Dowlada Sweden ay ka taageerto Dowladda Koonfur Galbeed sidii loo Xoojin lahaa gaar ahaan adeegyada bulshada iyo kaabayasha dhaqaalaha.

Kulanka Madaxweynaha waxaa ku Wehlinayey Wasiirka Amniga, Wasiirka Waxbarashada iyo Agaasimaha Guud Madaxtooyada Koonfur Galbeed.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA