Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Sida haweenaydan 98-sano jirkaa cagaheeda ugu baxsatay colaadda dad kumanaan ah ay ku dhinteen.

Khamiis 2, May 2024 {HMC} Iyadoo colaaddu ku sii xoogaysanaysay bariga Donetska, asbuucii hore ka dib marki ciidamada Ruushku ay gudaha u galeen, dadka ayaa ka barakacaya deegaanadaas.

Haweenay lagu magacaabo Lidia Stepanivna Lomikovska, oo da’deedu tahay 98 sano jir ayaa masaafo 10km ah kaligeed lugaysay iyadoo ka baxsaysa colaadda.

Waxay ku tukubaysay bakoorad, waxayna xirnayd kabo dacas ah si ay ugu baxsato colaaadda magaalada Ocheretyne, ee bariga Donetsk, halkaas oo dagaaladu ku siqayeen.

“Waxaan ku toosay rasaasta hareerahayga ka dhacaysay taas oo cabsi lahayd,” Lomikovska ayaa ku tiri wareysi muuqaal ah oo ay soo bandhigeen booliska gobolka Donetsk.

Waxaa la arkayey iyada oo mid ka mida ciidamada Ukriane uu garab galayo, xilli ciidamada ay soo bandhigeen muuqaal haweenaydan da’da ah.

“Waan ka badbaaday dagaalkaas,” ayay tiri iyadoo tixraacaysa dagaalkii labaad ee aduunka. “

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA