Friday, May 17, 2024
spot_imgspot_img

Tobaneeyo dalxiiseyaal ah oo lagasoo bad-baadiyay daadad ka dhashay wabi fatahay

Khamiis 2, May 2024 {HMC} 40 dalxiisayaal ah iyo shaqaale badan ayaa laga soo badbaadiyay Beerta Masai kadib markii wabiga Talek uu qararka jabsaday oo uu buux dhaafiyay goobta.

Isagoo saxafiyiinta kula hadlayay hoteelka Sarova Mara Lodge, barasaabka gobolka Narok Patrick Ntutu ayaa waxa uu sheegay in aan la soo sheegin wax dhimasho ama dhibaato ah.

Daadadka ayaa saameeyay sagaal xero oo ay dadka dalxiiseyaasha ah degaan.

Guddoomiye Ntutu ayaa sheegay in saqdii dhexe ee xalay Wabiga uu buux dhaafiyay islamarkaana uu saameeyay qeybo ka mid ah magaalada, dadkii soo booqdayna ay ku xayiran yihiin dhowr xero oo ku teedsan wabiga.

Sidoo kale Gudoomiyuhu waxa uu sheegay in Xaafada Mosiro ay si weyn u saameeyeen Roobabkii isdaba jooga ahaa iyadoo 100 qoys oo ku noolaa agagaarka deegaanka Moosiro ay ka guureen guryahoodii.

Guddoomiyaha ayaa ka codsaday dadka ku nool agagaarka webiyada inay u guuraan dhul sare.

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {17.05.2024}

Jimco-17-May-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn. Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahmaan macalin muuse Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud HOOS...

{DAAWO MUUQAALKA} Waa siddee xaaladda Ra’iisul Wasaaraha Slovakia oo la toogtay.

Khamiis-16-May-2024 {HMC}  Waa siddee xaaladda Ra'iisul Wasaaraha Slovakia oo la toogtay. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/5aIrAeKtC44  

WARARKA