Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

wax Ka Ogoow Xeerka ciidanka Booliiska maamulka Hirshabelle oo maanta lasoo bandhigay

Khamiis 2, May 2024 {HMC} Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Haggar {Dabageed} ayaa maanta ka qeybgalay munaasabadda bandhigga xeerka ciidanka Booliska Hirshabeelle iyadoo lagu qabtay magaalada Jowhar.

Munaasabaddan waxaa soo agaasintay Wasaarrada Amniga Gudaha Hirshabeelle waxa kale oo goobjoog ahaa labada Gole ee Hirshabeelle, Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Hirshabeelle iyo Taliyaha Ciidamada ATMIS ee Sector 5.

Xeerkan maanta lasoo bandhiggay waxaa horay u ansixiyay Golaha Wasiirrada iyo Baarlamaanka Hirshabeelle iyadoo uu saxiixay Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen {Cali Guudlaawe}.

Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Mudane Yuusuf Dabageed ayaa Wasaaradda Amniga ugu mahadceliyey wakhtiga ay geliyeen xeerkan iyo sida ay u guteen waajibka ka saarnaa in Ciidanka Booliska ay helaan xeer ay ku shaqeeyaan.

Ugu dambeyn ku-simaha Madaxweynaha ayaa faray Ciidanka Booliska Hirshabeelle inay ku dhaqmaan xeerkan si loo helo nabad-gelyo, wada shaqeyn iyo xiriir wanaagsan oo u dhaxeeyo Ciidanka iyo Bulshada.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA