Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Ciidamo Ruush ah oo gudaha u galay saldhig ay ku sugnaayeen ciidamo Mareykan ah

Jimco 3, May 2024 {HMC}  Ciidamada Ruushka ayaa gudaha u galay saldhig ciidamada cirka ah oo ku yaala dalka Niger halkaas oo ay wali ku harsan yihiin askar Mareykan ah kadib go’aankii ciidamada Niger ay dalka uga saareen.

Xoghayaha Difaaca Mareykanka Lloyd Austin ayaa xaqiijiyay in ciidamada Ruushka ay gudaha u galeen saldhiga ciidamada cirka balse ay ku sugnaayeen qayb kale.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay dalka Mareykanka ayuu ku sheegay in aysan ahayn arrin muhiim ah maadaama aysan heli karin ciidamo Mareykan ah iyo qalab kale.

“Ruushka waxay ku sugan yihiin meel kale mana arkin ciidamada Maraykanka ama ma helin qalabkeena,” ayuu yiri.

Xiriirka militari iyo midka diblumaasiyadeed ee u dhaxeeya Mareykanka iyo Ruushka ayaa ahaa mid kulul tan iyo markii Ruushka uu galay dalka Ukraine.

Kahor kacaankii Niger sanadkii hore, Mareykanka wuxuu ahaa saaxiibka ugu weyn ee dalka oo ay weheliyaan saaxiibada kale ee dagaalka kula jira falaagada Islaamiga ah ee gobolka.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA