Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Muxuu yahay Hubka halista ah ee uu Ruushka u isticmaalay dagaalka Ukraine.

Jimco 3, May 2024 {HMC} Mareykanka ayaa ku eedeeyay Ruushka in hubka kiimikada uu u isticmaalo “hab dagaal” marka ay noqoto gudaha Ukraine, taasoo xadgudub ku ah sharciyada caalamiga ah oo mamnuucaya.

Saraakiisha Waaxda Arrimaha Dibadda ayaa sheegay in Ruushku u adeegsaday kiimikada loo yaqaanno chloropicrin ee neef-qabatinka si uu u gaaro “guulaha dagaalka.”

Tallaabooyinka lagu eedeeyay ciidamada Ruushka, oo ay saraakiisha Maraykanku sheegeen ayaa noqonaya xad-gudub ka dhan ah heshiiskii hubka kiimikada ee (CWC), oo uu Ruushku saxiixay.

Kremlin-ka ayaa diiday eedeymahaas, waxayna ku tilmaameen “mid aan sal iyo raad lahayn”.

Afhayeen Dmitry Peskov ayaa u sheegay koox saxafiyiin ah oo ku sugan magaalada Moscow in Ruushka uu u hogaansamo heshiiskii CWC, kaasoo ka mamnuucaya dowladaha inay sameystaan ama helaan hub noocaas ah.

Waa maxay Hubka loo yaqaanno chloropicrin

Ururka Mamnuucidda Hubka Kiimikada (OPCW), oo ah ilaaliye caalami ah oo kormeera hirgelinta heshiiska CWC, ayaa sheegaya in hubka kiimikada uu yahay walax loo isticmaalo in lagu dilo ama waxyeello ula kac ah loogu geysto iyada oo loo marayo sifooyinka sumeynta ah.

Maraykanka ayaa sheegay in Ruushku uu isticmaalo si kiimikada chloropicrin uu “ciidamada Ukraine uga saaro meelaha furimaha ah.”

Maaddadu waa saliid waxaana si weyn loo isticmaali jiray dagaalkii 1-aad ee adduunka.

Waxay keentaa cuncun sambabada, indhaha iyo maqaarka ah, waxayna sababi kartaa matag, lallabbo iyo shuban , sida ay sheegtay Xarunta Xakamaynta Cudurrada ee Maraykanka ee (CDC).

Isticmaalka kiimikadaan dagaalka waxaa si cad u mamnuucay heshiiska CWC, maadaama uu ururka OPCW u aqoonsaday inay tahay walax neef-qabatin leh.

Madaxweyne Joe Biden ayaa uga digay Ruushka in uu hubka kiimikada ah gaarsiiyo dalka Ukraine.

Bishii Maarso 2022-kii, toddobaadyo kadib markii Moscow ay billowday duullaankeeda, Biden wuxuu ballan qaaday in madaxweyne Vladimir Putin uu “ka shallayn doono” haddii uu oggolaado isticmaalka hubka la mamnuucay.

“Waan ka jawaabi doonnaa haddii aad isticmaasho, qaabka jawaabta waxay ku xirnaan doontaa nooca isticmaalka,” ayuu yiri madaxweynaha Mareykanka.

Laakiin waxaa jira warar sheegaya in Moscow ay iska dhego tirtay digniintaas.

Ku-xigeenka Xoghayaha Xakamaynta Hubka ee Maraykanka Mallory Stewart ayaa hore u sheegay in Ruushku uu dagaalka u adeegsaday walxaha kiimikada ah ee lagu xakameeyo rabshadaha.

Waxayna Ukraine sheegtay in ciidamadeeda ay la kulmeen weeraro kiimiko ah oo sii kordhaya bilihii la soo dhaafay.

Wakaalada wararka ee Reuters ayaa horraantii sanadkan sheegtay in ciidamada Ruushka ay adeegsadeen bam gacmeedyo ay ku raran yihiin gaaska dadka ka ilmaysiisa ee CS iyo CN.

Warbixintu waxa ay intaa ku dartay in ugu yaraan 500 oo askari oo Ukrain ah laga daaweeyay gaaska sunta ah oo mid ka mid ah uu dhintay kadib markii uu ku neef qabatoobay.

2017-kii, OPCW waxay sheegtay in Ruushku uu burburiyay kaydkii ugu dambeeyay ee hubkii xilligii dagaalkii qaboobaa, sida ay u baahisay CWC.

Tan iyo 2017-kii lafteeda, Ruushka ayaa si gaar ah loogu tilmaamay ugu yaraan laba weerar oo kiimiko ah: weerarkii Salisbury ee sarkaalkii hore ee sirdoonka Soofiyeedka iyo suntii 2020-kii ee hoggaamiyihii mucaaradka Ruushka Alexei Navalny.

Ruushka ayaa beeniyay inuu ku lug lahaa dilka hogaamiyaha mucaaradka. Balse xaaska uu ka dhintay Navalny ayaa ku eedaysay madaxweyne Putin inuu mas’uul ka ahaa dhimashadiisa.

Dhanka kale, ciidamada Ruushka ee ku sugan bariga Ukraine ayaa sii wada horay u socodkooda ka hor dabaaldegga maalinta guusha ee 9-ka May, oo ah ciidaha lagu xusayo guushii Soviet-ka ee dagaalkii labaad ee aduunka.

Dagaalka intiisa badan ayaa ka dhacay agagaarka Chasiv Yar oo ah goob ay gacanta ku hayaan Kyiv oo Ruushka uu isku dayayo inuu gaaro kadib markii uu qabsaday magaalada Avdiivka .

Moscow ayaa la rumeysan yahay inay doonayso inay la wareegto magaalada ka hor fasaxyada toddobaadka soo socda.

Arrimahan oo dhan ayaa imaanaya iyadoo madaxweyne Volodymyr Zelensky uu shaqada ka ceyriyay madaxii waaxda amniga internetka dalka Ukrain Illya Vityuk, iyadoo lagu eedeeyay inuu isku dayay inuu awooddiisa u adeegsaday ciqaabida wariye u dhashay Ukraine oo ka warbixiyay eedeymo musuqmaasuq oo isaga ka dhan ah.

Dhinaca kale, Human Rights Watch ayaa ku baaqday in la baaro dembiyada dagaalka kadib markii la ogaaday caddaymo muujinaya in ciidamada Ruushka ay toogasho ku dileen in ka badan 12 askari oo Ukraine ah oo isa soo dhiibay.

XIGASHO BBC

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA