Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Dalka Turkiga ‘oo joojinaya’ dhammaan ganacsiga uu la leeyahay Israel

Jimco 3, May 2024 {HMC}  ANKARA — Turkiga ayaa Khamiistii ku dhawaaqay inuu joojinayo dhammaan noocyada ganacsi ee kala dhaxeeya Israa’iil, ilaa ay ka oggolaato in gargaarka uu si aan caqabad lahayn u soo galo Gaza inta uu socdo weerarka ka dhanka ah Xamaas ee Marinka Gaza.

“Dhoofinta iyo soo dejinta badeecooyinka Israa’iil waa la hakiyay,” ayay wasaaradda ganacsiga ku tiri hadal ay soo saartay, iyadoo intaas ku dartay “Turkiga wuxuu hirgelin doonaa tallaabooyinkan cusub.”

Horraantii Khamiistii, Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel, Israel Katz, ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, inuu jabiyay heshiisyadii u dhaxeeyay labada dal, isaga oo ka hortagaya dhoofinta iyo soo dejinta ganacsiga Israel.

Tallaabadan ayaa ah dhacdadii ugu dambeysay ee xiriirka sii xumeysa kadib markii Turkiga oo ka mid ah dhowrka waddan ee Muslimiinta u badan ee aqoonsan Israa’iil uu xaddiday ganacsiga kala dhexeeya dalkaas bishii Abriil.

Marinka Gaza ayaa waxaa ka taagan dhibaato bini’aadantinimo oo ka dhalatay dagaalka ay Israa’iil ku qaadayso Xamaas tan iyo 7-dii October, iyadoo Qaramada Midoobay iyo hay’adaha gargaarka ay ka digeen macaluul soo fool leh.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA