Saturday, May 18, 2024
spot_imgspot_img

Booliska Canada oo xiray 3 nin oo Hindi ah

Sabti-4-May-2024 {HMC} Booliska Canada ayaa Jimcihi shalay xiray isla markaana dacwado kusoo oogay saddex nin oo Hindi ah, oo looga shakisanyahay in ay dileen Hardeep Singh Nijjar oo ahaa hogaamiye ka tirsan koox gooni u goosad ah oo u ololeysa madaxbannaanida dadka Siiqa ee Hindia.

Nijjar, oo ahaa 45 jir ayaa bishii June lagu toogtay bannaanka macbad ay bulshada Siiqa Hindiya ku leeyihiin degmada Surrey ee magaalada Vancouver.

Bilo yar kaddib, ayuu ra’isulwasaaraha Canada Justin Trudeau sheegay in ay jiraan cadeymo muujinaya in dowladda Hindiya ku lug laheyd dilka hogaamiyaha, arrintaas oo dhalisay qalalaase diblamaasiyeed oo soo kala dhexgalay Ottowa iyo New Delhi.

Booliska Canada ayaa magacaabay saddex nin ee la xiray, kuwaas oo kal ah Karanpreet Singh, oo 28 jir ah, Kamalpreet Singh, oo 22 jir ah iyo Karan Brar oo 22.

Safaaradda Hindiya ee Ottawa ayaanan wali ka jawaabin xariga loo geystay saddexdaasi dhalinyaro ee Hindiya kasoo jeeda ee looga shakisanyahay falka dilka hogaamiyihii kooxda gooni-u-goosadka Siiqa Hindiya.

Nijjar ayaa ahaa muwaadin heysta dhalashada Canada, wuxuu u ololeyn jiray in la abuuro qaran loogu magac-daray Khalistan, kaas oo damacu yahay in ay harsadaan bulshada Siiqa ama Singa-singaha Hindiya.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {17-05-2024}

Jimco-17-May-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdimajiid Abdirahmaan Aadan Farsamadii ::Mohamed Baryare...

{DAAWO MUUQAALKA} Meydka Wiil dhalinyara oo laga soo saaray tog ku yaalla Duleedka Magaalada Hargeysa.

Jimco-17-May-2024 {HMC}  Meydka Wiil dhalinyara oo laga soo saaray tog ku yaalla Duleedka Magaalada Hargeysa. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/bFp9EuExd9s

WARARKA