Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Ciidamada amaanka SSC oo gacanta ku dhigay nin xalay dil ka gaystay Laascaanood.

Sabti-4-May-2024 {HMC} Ciidamada booliiska maamulka Khaatumo State ee ka howlgala magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa xalay gacanta ku dhigay nin dhallinyaro ah oo lagu eedeeyay in uu dil geestay.

Howlgal ay ciidamada booliiska ka sameeyeen magaalada Laascaanood ayey kusoo qabteen Gacankudhiigle Cabdi Oog Maxamed Abokor, kaa oo ku eedeysan uu dilay marxuum Cabdiraxmaan Cawil Daahir.

Ninkan dilka geestay ayaa la sheegay in uu isku dayay in uu ka baxsado gacanta laamaha ammaanka, waxaana xog booliiska siiyeen shacabka magaalada horseeday in gacanta lagu dhigo gacankudhiiglaha.

War kasoo baxay taliska booliiska Khaatumo ayaa lagu sheegay in gacanta ku hayaan ninka dilka geestay ayna horgeenayaan caddaaladda, waxa ayna xuseen in Laascaanood ka dhamaatay in uu baxsado qofkii dil geesta.

Magaalada Laascaanood ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay dhowr dil oo ka dhacay gacanta lagu dhigay dadkii ka dambeeyay, waxaana qaar kamid ah dadkii dilalkaasi geestay lagu xukumo xukunno dil ah.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA