Saturday, May 18, 2024
spot_imgspot_img

Jilaa caan ah oo u dhashay dalka Holand oo qaatay diinta islaamka.

Sabti-4-May-2024 {HMC} Jilaaga caanka ah ee u dhashay dalka Holand, Donnie Roelvink ayaa labo isbuuc kahor ku dhawaaqay inuu qaatay diinta Islaamka ,wuxuuna ku dhawaaqay kelmadda towxiidka ama shahaadada.

Donnie oo ahaa shaqsi shacbiyad weyn ku dhex leh gudaha dalkiisa ayaa la arkay muuqaal uu kelmadda towxiidka ku dhawaaqayo oo aad u qabsaday baraha bulshada sida instagram-ka isaga oo ku sugan masjid.

“Ilama ahan dad badan inay ogaayeen shalay inay ii ahayd maalin ii gaar ah,” ayuu ku dhex yiri muuqaal lasoo dhigay, sida ay kusoo warramayso Telegraam. “Muuqaallada iyo sawirrada baahaya ee maalintaydan gaarka ah la xiriirta aad bay marqaati nool iigu yihiin.”

26 jirkan filim-sameeyaha ah wuxuu sheegay inuusan dhib ku qabin in dunida maqasho inuu qoyska ugu weyn adduunka maanta oo uu kala jeeday Islaamka kamid noqday!

Labo dhacdo oo halis caafimaad leh ayaa jilaagan ka dhigtay inuu bal si dhab ah u dabagalo macnaha dhabta ah ee jiritaanka nolosha adduunyada. Waxayna taasi ugu dambeyntii ku hoggaamisay inuu diinta Islaamka qaato.

Islaamku waa diinta ugu weyn uguna faafidda badan adduunka oo ay heystaan in ka badan 2 bilyan iyo bar dad ah. Waxaana la filayaa in marka la gaaro 2050 labadii qofba uu mid noqdo Muslim!

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {17-05-2024}

Jimco-17-May-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdimajiid Abdirahmaan Aadan Farsamadii ::Mohamed Baryare...

{DAAWO MUUQAALKA} Meydka Wiil dhalinyara oo laga soo saaray tog ku yaalla Duleedka Magaalada Hargeysa.

Jimco-17-May-2024 {HMC}  Meydka Wiil dhalinyara oo laga soo saaray tog ku yaalla Duleedka Magaalada Hargeysa. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/bFp9EuExd9s

WARARKA