Monday, June 24, 2024
spot_imgspot_img

Qaramada Midoobay: Macluul Buuxda ayaa ka jirta Waqooyiga Gaza

Sabti-4-May-2024 {HMC} Sarkaal sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa sheegtay Jimcihi in waqooyiga Gaza ay hadda ka jirto macluul buuxda, kaddib muddo ka badan lix bil oo weerar dhan walba leh iyo xayiraad dhanka sahayda ah oo ay ciidanka Israil ku hayaan guud ahaan Marinka Gaza.

Agaasimaha Barnaamijka Cuntada Adduunka ee WFP, Cindy McCain, ayaa sheegtay dadka ku nool qeybta waqooyi ee Gaza ay galeen macluul.

Wareysi ay siiyay warbaahinta NBC ee dalkan Mareykanka ayay McCain oo ah muwaadin Mareykan ah sheegtay, in xaaladda ka jirta waqooyiga ay tahay “argagax,”

“Waxaa jirta macluul— macluul buuxda ayaa ka jirta waqooyiga, waxayna hadda kusii socotaa xagga koofurta.”

Waxay sheegtay in xabbad joojin iyo kordhinta gargaar bani’aadannimo oo la marsiiyo badda iyo barriga ay muhiim u yihiin ka hor tag lagu sameeyo masiibo bani’aadannimo oo ku habsata in ka badan 2.3 milyan oo ruux oo ku nool.

Dhanka kale, ururka Xamaas ee maamula Gaza ayaa rajo ka muujiyay heshiis xabbad-joojin ah oo ay la saxiixdaan Israil, xilli ay Israil ku adkeysaneyso weerar ay ku qaado degmada Rafax.

Hogaamiyaha Xamaas Ismail Haniyeh ayaa sheegay in ay dhawaan ay wafdi u dirayaan dalka Masar si ay u dhameystiraan wadahadallada xabbad-joojinta ee dhawaanahanba socday.

Masar, Qatar iyo Mareykanka ayaa hogaaminaya dhex dhexaadinta wadahadallada labada dhinac.

{DAAWO MUUQAALKA} Wasiir Faarax Sheekh Cabdulqaadir “Soomaaliya maanta waxay u tahay maalin weyn, “

Isniin june,24 2024 (HMC) Wasiir Faarax Sheekh Cabdulqaadir "Soomaaliya maanta waxay u tahay maalin weyn, " HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Dagaal culus oo ka socda duleedka Dhuusamareeb

Isniin june,24 2024 (HMC) Dagaal culus oo ka socda duleedka Dhuusamareeb HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

WARARKA