Saturday, May 18, 2024
spot_imgspot_img

Ugaas Yuusuf Ugaas Xaasan oo Manta ku Wajahan Degmada Buulo Burde.

Sabti-4-May-2024 {HMC} Qaban-qaabada Soo dhaweeynta Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan ayaa Manta Laga Dareemayaa Magaalada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan, Masuuliyiinta Maamulka degmada iyo Odoyaal dhaqameed, dhalinyaro iyo Haween ayaa ku sugan Garoonka diyaaradaha Degmadaasi.

Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan ayaa Hogaaminayo Wafdi iskugu jiro Xildhibaano iyo Madax dhaqameed kuwaas oo hada ku sugan Garoonka diyaaradaha Ugaas Aadan Cade ee Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Ugaaska ayaa lagu wadaa in halkaasi uu kulamo kula qaato Waxgaradka Degmada Buulo Burde, kuwaas oo kala hadli doono xaaladaha Gobolka ka jiro iyo Sidii Odoyaasha ay door weyn uga qaadan lahaayeen Xalkooda.

Intaasi kadib Ugaaska iyo Wafdiga la socda ayaa usoo gudbi doono Magaalada Bakadweyne ee Gobolka Hiiraan, oo ay ka socoto Qaban qaabada Munaasabada Caleema-saarka Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo dhici doonto 13 Bishan.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {17-05-2024}

Jimco-17-May-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdimajiid Abdirahmaan Aadan Farsamadii ::Mohamed Baryare...

{DAAWO MUUQAALKA} Meydka Wiil dhalinyara oo laga soo saaray tog ku yaalla Duleedka Magaalada Hargeysa.

Jimco-17-May-2024 {HMC}  Meydka Wiil dhalinyara oo laga soo saaray tog ku yaalla Duleedka Magaalada Hargeysa. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/bFp9EuExd9s

WARARKA