Saturday, May 18, 2024
spot_imgspot_img

Ururka iskaashiga Islaamka oo mar kale si adag uga horyimid heshiiska Itoobiya iyo Somaliland

Sabti-4-May-2024 {HMC} Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka {OIC}, ayaa mar kale diiday tallaabo kasta oo ka dhan ah Qaranimada Soomaaliya, gaar ahaan heshiiskii is-faham ee dhexmaray Itoobiya iyo maamulka Somaliland.

Wasiirradu waxay isugu yimaadeen shir loogu diyaar-garoobayo kal-fadhiga shan iyo tobnaad ee Shir-madaxeedka Iskaashiga Islaamka oo ka dhacay caasimadda Gambia ee Banjul, intii u dhaxaysay May 2 – 3, iyadoo hal-ku-dhigga shirkaas uu ahaa “Xoojinta Midnimada iyo Wadajirka iyada oo loo marayo wada-xaajood waara. Horumarin.

Sida lagu sheegay war-murtiyeedkii ka soo baxay kulanka, wasiirradu waxay hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay in laga caawiyo agab iyo farsamo labadaba si loo xoojiyo hay’adaha dowladda Soomaaliya iyo wax ka qabashada caqabadaha ay abaaruhu ku hayaan haqab-beelka cuntada Soomaaliya.

War-murtiyeedka ayaa sidoo kale lagu taageeray in Soomaaliya ay Marwo Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadam u sharaxdo xilka Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee muddada {2025-2028}.

Shirweynaha 15-aad ee madaxda dalalka Islaamka ee Ururka Iskaashiga Islaamka {OIC} ayaa looga hadlayaa arrimo kala duwan iyo caqabadaha ka jira dunida Muslimka, gaar ahaan arrinta Falastiin iyo xaaladda Marinka Gaza.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {17-05-2024}

Jimco-17-May-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdimajiid Abdirahmaan Aadan Farsamadii ::Mohamed Baryare...

{DAAWO MUUQAALKA} Meydka Wiil dhalinyara oo laga soo saaray tog ku yaalla Duleedka Magaalada Hargeysa.

Jimco-17-May-2024 {HMC}  Meydka Wiil dhalinyara oo laga soo saaray tog ku yaalla Duleedka Magaalada Hargeysa. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/bFp9EuExd9s

WARARKA