Saturday, May 18, 2024
spot_imgspot_img

Azerbaijan oo ku dhawaaqday in deeq Waxbarasho siineyso ardayda Soomaaliyeed

Axad 5, May 2024 {HMC} Magaalada Banjul ee caasimadda dalka Gambia, waxaa kulan duceed ku yeeshay Ra’isul Wasaare kuxigeenka Xukuumadda Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Azerbaijan, Jehun Bayramov.

Kulanka labada masuul yeesheen ayaa looga wada hadlay inta badan xoojinta xiriirka u dhaxeeya labada dal iyo sidoo kale in ay yeeshaan Soomaaliya iyo Azerbaijan iskaashi cusub oo dhinacyo badan leh.

Sidoo kale kulanka ayaa lafa-guray in labada dal iskaashi iyo mowqif mideysan ka yeeshaan arrimaha shirarka caalamka, xoojinta iyo horumarinta danaha wadajirka ee labada dal ee khuseeya ganacsiga, dhaqaalaha, tamarta iyo iskaashiga aadminimo.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Azerbaijan ayaa ballanqaad la xariira in deeqo waxbarasho siinayaan ardayda Soomaaliya la wadaagay Ra’isul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya oo dhankiisa uga mahadceliyay deeqdaasi.

Dowladda Azerbaijan ayaan xiriir muuqan la leh Soomaaliya, waxa ayna deeqdan waxbarasho ay ugu deeqday ardayda Soomaaliyeed noqoneysaa markii ugu horreysay ay ku deeqdo, waxaana haddii laga dhabeeyo ballantan wax badan ka faa’idi doono arday Soomaaliyeed.

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu Waa Weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraan 18-05-2024.

Sabti, May, 18, 2024 (HMC) –  Wararka ugu Waa Weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraan 18-05-2024. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/6ZdYxaTqeSk

{DAAWO MUUQAALKA} Halkii lagu jebiyay Soomaaliland ee Gooja_cadde oo xus maanta lagu qabtay.

Sabti, May, 18, 2024 (HMC) –  Halkii lagu jebiyay Soomaaliland ee Gooja_cadde oo xus maanta lagu qabtay. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/g7a5yA-mrVw

WARARKA